Somaliland: Daroorashooyinka Isa Saarka ah Waayo-arragnimo Uma Lihin Ee Aan kala Saarno

104

Sida aynu la wada socono waxaa beryahan dambe howshooda lagu mashquulsan yahay ,sidii ay dalka ugu qabsoomi lahaayeen Doorashada Madaxweynaha iyo tii Golaha Wakiilada.Waynu isku wada raacsan nahay in ay labada Doorashaba aanay ku qabsoomayn xilligii u qoondeysnaa ee ahaa sanadkan aynu ku jirno ee 20015.

Haddaba si muranka iyo culayska Doorashooyinku ay dalka iyo dadkaba uga yaraato ,waxaan u soo jeedin lahaa Golaha Guurtida,Guddiga Doorashooyinka iyo Xukuumadaba,in la kala qaado Doorashada Madaxweynaha iyo Doorashada Golaha Wakiikalada,tan Golaha Wakiiladana la soo hormariyo maadaama iyagu ay toban sanno ku dhowaad muddo dhaaf yihiin.

In labada Doorasho mar la wada qabto waxay keeni kartaa culays badan, farsamo xumo badan,iyo murano ka duwan kuwii hore innoo soo mari jiray.

Waxyaba ka dhalan kara labad Doorasho ee isa saaran(Madaxweynaha iyo tan Wakiilada waxaa ka mid ah :-
1. Guddiga Doorashooyinku shaqada way ku cusub yihiin , wax waayo aragnimo ahna uma laha guud ahaanba arrimaha Doorashooyinka.
2. Waxaa qurux badan in labada Doorasho la kala qaado,oo tan Golaha Wakiilada la soo horeysiiyo,sababtoo ah Xildhibaanku wuxuu qayb weyn ka yahay,guusha Xisbiga iyo ta Musharaxa Madaxweyanahaba.
3. Doorashada soo socotaa waa laba Doorasho oo isi saraan,way ka culays,shaqo howl badan yihiin Doorashooyin kii hore dalka ugu qabsoomi jiray.
4. Waxaa loo baahan yahay in loo sameeyo,Xeerar ka duwan kuwii Doorashooyinkii hore.
5. Shacabka Reer Somaliland iyo Musharaxiinta tartamaysa midkoodna waayo aragnimo buuxda uma laha laba Doorasho oo mar la wada qabanayo.
6. Waxaa loo baahan yahay in Shacabka Somaliland loo diyaariyo habka labada Doorasho ee mar la wada qabanayo sida, Xeerarka Doorashooyinka,wacyi gelinta habka laba Doorasho ee mar la wada qabanayo IWM.

Gabo-gabadii anigu waxaan qabaa, in Doorashooyinka muddo 2 sanadood ah dib loo dhigo, si loo dhamaystiro amase loo xaliyo arrimaha aan kor ku soo sheegay. Haddii aan aad loogu howl gelin,waqti fiicanna aan helin dhameystirka howlaha labad Doorasho ee mar wada qabsoomayaa,waxaa ka dhalan kara muran iyo buuq aynaan hore waayo arag ugu ahayn.

By : Cabdi Maxamed Saleebaan (Mingiste)

Comments

comments