Somalia: Madaxweyne Xasan “Waan ka xumahay is-casilaada Caasha Geele Diriye”

Somalia: Mogadishu Govenrment Lost $1b to Graft

Kadib markii ay maalmo ka hor is-casishey guddoomiyihii guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka federaalka Marwo Caasho Geele Diiriye, ayaa war ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya lagu sheegay in Madaxweynaha lagu soo wargeliyey is casilaada islamarkaana uu ka xumaadey.

“Aad baan uga xumaadey is-casilaadda Marwo Caasho Geelle. Waa go’aan ay iyadu gaartey, waana xishmeyneynaa go’aankeeda. Waxaan uga mahadcelineynaa dadaalka badan ee ay gelisey abaabulka guddiga iyo bilaabistii hawlaha muhiimka ee guddiga horyaalla”, sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo ka hadlaayey is-casilaadii Caasha Geele.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in Guddiga Madaxbanaan ee Dib u eegista Dastuurka uu muhiim u yahay mustaqbalka waddanka, waxaana u yiri:

“Dib u eegista iyo meel marinta Dastuurka Cusub ee Federaalka waa aasaaska dadaalkeena ku wajahan dhismaha qaranka. Dastuurka waa qeyb muhiim ah oo dhismaha hay’adaha dowliga sal u ah; waxaa loogu talagaley inuu qaabeeyo sida Soomaaliya u ekaan doonto, sida aan qaran ahaan u shaqeyn doonno, qiyamkeena iyo mabaadi’deena intaba. Labada hadaf ee kale ee muhiimka u ah gaarista Hiigsiga 2016 ee dhammeystirka dhismaha dowlad goboleedyada iyo qabsoomidda doorashooyin qaran waxay ku xiran yihiin in laga guul gaaro dib u eegista iyo ansixinta Dastuurka Cusub ee Federaalka”

Xasan Shikh ayaa sheegay in si degdeg loo raadinaayo qofkii buuxin lahaa booska banaanadey:
“Waxaan haatan diiradda saareynaa in degdeg loo helo qofkii qaban lahaa xilka hoggaaminta guddiga, waana inaan helnaa shakhsi ku habboon shaqadan, isla markaana hannaanka dib u eegista dastuurka horey ugu dhaqaajin kara si degdeg ah oo hufan. Dhammeystirka agabyada muhiimka u ah Hiigsiga 2016 ma ahan kuwo sinna looga baaqsan karo, waana waajib in xoogga la saaro haddii aan dooneyno inaan si cad Soomaaliya ugu hoggaamino waddada nabadda iyo barwaaqada. Ma jiro qorshe kaa ka duwan oo aan horey ugu sii dhaqaaqeyno, ” ayuu raaciyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasha Geele ayaa sheegtey in ay sabab u ahayd is-casilaadeeda kadib markii shaada guddigu horey u socon weydey, isla markaana aysan arag madaxbanaani ay k shaqeyn karto.

Comments

comments