Nuxurka Warbixin Dhinacyo Badan Taabanaysa Oo Suxufi Tukri Ahi Somaliland Ka Diyaariyay

Warbixin uu Somaliland ka diyaariyey Suxufiga reer Turkey ee lagu magacaabo SAİM ORHAN, oo uu Ciwaan uga dhigay Qaran Gooni isku taagay balse aan aduunyada kale laga aqoonsaneyn, ayuu ku soo bandhigay guulaha tirada badan ee Somaliland gaadhay mudadii dhawr iyo labaatanka Somaliland ee ay jirtay ee xag Dumquraadiyadeed, Dhaqaale, balse Beesha Caalamku iska dhego iyo Indho tirtay.

Wariye SAİM ORHAN, ayaa si weyn Faaladiisa ugu lafo guray waxyaabaha kala duwan ee uu magaaladda Hargeysa ku arkay, isaga oo si gaar ah u xusay inay Wadooyinka magaaladda Hargeysi yihiin kuwo aad u jajaban oo Boodh weyn isla markaana Korontadda ay isticimaalaan Bulshadda Hargeysi tahay mid aad u qaali ah oo dad gaar ahi leeyihiin, waxaana uu sido kale xusay inay shacabka reer Somaliland yihiin kuwo 100% yihiin kuwo Muslim ah oo Meel kasta ay Masaajido tiro badani ku yaalaan, isla markaana ka sii muuqdaan raadadkii iyo Astaamihii Axmiyadii Gumeysigu wali ka sii muuqdaan.

Warbixintan uu Somaliland ka qoray Suxufigan reer Turkey ee lagu magacaabo SAİM ORHAN oo dameystirani oo Wargeyska Saxansaxo Luuqadda Afka-Soomaliga u soo turjumay iyaga oo Af-Ingiriisi ku qorneyd laguna daabacay Shebekedda Wararka ee TodayZamsan ee laga leeyahay dalka Turkiga waxay u dhigan tahay sidan.

Hada waa in aynu aduunka maqashiina wakhtigan magaca Somaliland oo Afrika ku taala, mana aha Socdaal fudud in aad ka tagto Stambuul , waxa ugu horeyn aad geleysa safar mudo 5 saacadood qaadanaaya oo Diyaarad ah oo ilaa Dalka Jabuuti aad ku imaneyso, ka dib waxaad mudo ku yar hakaneysa madaarka ALEIT , adiga oo ka dibna soo raacaya Diyaarad yar oo ah nooca duulimaadyada guddaha iyada oo ugu yaraan qaadanaaya ilaa 35 Minutes taasi oo kula soo cagadhiganeysa Ciida ama dalka loo yaqaano Somaliland.

 

Somaliland waxa gumeysan jiray Maxmiyadii Biritishka ee maanta loo yaqaan England, waxaana hada qeybo badan oo ka mid ah dadka reer Somaliland ee aqoonta lihi ay ku hadlaan luuqada English-ka , in kasta oo luuqda 1aad ama luuqada gudda lagaga hadla tahay ta Somaliga halka ay Luuqada Carabiguna tahay mid si weyn loogaga hadlo (Somaliland), waxana dadka reer Somaliland ay maanta yihiin waddan shacabka ku nooli yihiin kuwo 100% umadd Muslim ah, waxana jira in Seked kasta oo aad ka wareegto uu ku yaalo Masaajido waa weyn , waxaana meel kasta oo aad joogto ku soo gaadhsiinaaya dhawaaq Eedaanka Minaaraddaha aadka udhaareer ee Masaajidada tirada badan.

Somaliland waxa ilaa hada la la xidhiidhiya inay Somalia qeyb ka tahay, taasina waa sida ay u aqoonsan yihiin waddamada Dunidu, balse sida ay ku doodaan madaxda Somaliland xaqiiqadu runtii taasi waa ka duwan tahay oo sannadii 1991-kii waxay xoriyadeeda kala soo noqotay Somalia , marka laga yimaado taasi ma jiro ilaa hada hal wadan oo aduunka ka jira oo Somaliland waddan ahaan u aqoonsan, waxana xusid mudan in sido kale dadka muwaadiniinta ah ee Turkigu Xata in aanay Somaliland soo geli karin guddaha Somaliland iyaga oo ahi Visa-ha Madaarka kaga soo iibsadda Qadar lacageed oo dhan ilaa $25 lacagta Doolarka ah mooye.

Waxa xiiso leh in kasto oo Somaliland ay la tacaaleyso dhibaatooyin ka haysta Aqoonsi la’aanta Beesha Caalamka, Somaliland waxay leedahay Madaxweyne u gaar ah iyo golle Wasiiro ah iyo wax kasta oo dawladi leedahay, balse waxa kaliya ee aanay Somaliland haysan ay tahay aqoonsi caalamka ka hesho oo xata waddamada Jaarka yihiin iyo Qaramadda Midoobay , taasi macneheedu noqday inay xata muwaadiniinta reer Somaliland ay ku socdaalaan Pasboorka dawladda Somalia , marka ay tegayaan dalalka Dunida , Xaqiiqdiina dawldda Itoobiya iyadu waxay aqbasha dadka reer Somaliland inay dalkeeda ku soo galaan Basaboorka Somaliland , balse xaqiiqada jirta ayaa taasi ah.

Hargeysa waa Casimadda ugu weyn ee ugu dadka badan Somaliland waxaana ku dhaqan dad lagu qiyaaso ugu yaraan ku dhawaad 750,000 (Todoba Boqol iyo Kontan Kun ) oo qof , waxana hargeysa dhex mara Doox weyn kala badha Caasimadan Buuraleyda ah,.

Isaga oo sii wata Warbixintiisa Suxufi SAİM ORHAN ,ayaa isaga oo warbixinta uu ka uu ugu magac daray Qaran Gooni u goostay laakiin aan dunida laga aqoonsan, ayaa isaga oo warbixintiisa sii wata uu Hargeysa ka diyaariyey ayaa yidhi waxa aanu fuulay buurta ugu dheer magaaladda Hargeysa si aanu Caasimadda korka uga eegno mana aheyn muuqaal iyo Sawiro fudud, balse way u qalmeysay ugu dambeyn maadama oo mauuqaalka noo muuqday uu ahaa mid aan caadi aheyn oo qurux badan, balse waxa jira Hargeysi in aanay aheyn mid si kasta u dhameystiran oo u horumarsan waayo waxa jira wadooyin badan oo burbur ka muuqdo oo Wadooyinku intooda badan waa kuwo boodh badan oo aan la xaadhin, waxana ku dheer in Leydhka magaaladu yahay mid aad u qaali ah sababtuna waxa weeye inay Korantada magaaladu ka timaado Ingiino Koronto oo gaar loo leeyahay, waxana indhahaygu qabteen hal Indhaaradda Baarbuurta kala hagta ee Wadooyinka ku xidhan balse taasina ma shaqeyneyn oo waxay u muuqatay mid Xumaatay oo wakhti hore la isiticmaali jiray

Warbixinta oo ka hadlaysay Suuqa weyn ee magaaladda Hargeysa waxa lagu yidhi , Socdaalkayagii waanu sii wadanay waxaanan gaadhnay Suuqa ganacsiga ee magaaladda Hargeysa oo ah suuq Xor ah, waxana si taxadar leh indhaha noogu soo gubaayey dadka shicibka ah ee Suuqa ku ganacsanaayey, iyaga oo qaarkood dadku nooga digaayey in aanan xata wax Sawir ah ka qaadan karin, halka ay kuwo kalena ku tiiraabayeen in aanay rabin gumeysta mar kale dalkooda yimaada ,laakiin markii ay ogaadeen in aanu nahay dad Muslim ah oo dalka Turkiga ka socda waxay bilaabeen inay noo dhoolo cadeeyaan waxaana meesha si cad uga muuqday nabaradii iyo astaamihii galisnimadu ku kaga tegay halkaasi.

Suxufigan reer Turki ee lagu magacaabo SAİM ORHAN ,ayaa isaga oo warbixintiisa sii wata waxa uu yidhi, Hilibka Xoolaha waxa lagu iibinayaa Miisaan Suuqa dhexdiisa, waxana jira dad meelo sidaasi aan uga fogeyn ka ganacsada oo meherado yar yar ah Hilibka ku kariya oo ku iibiya, waxana Hilibka halkaasi lagu kariyo Iibsadda dadka Mehraddaha iyo dukaanadda yar yar ku haysta Suuqa dhexdiisa ee ka shaqeeya, waxa iyaguna jira Goobaha ama Meherado dawaarka lagu tolo kuwaasi oo ay dad Xirafaddaasi yaqaana ay ka shaqeystaan, waxana jira sido kale dad ka ganacsada agab Maryaha oo suuqa Xorta ah ee Hargeysa ku iibiya kuwaasi oo dawaarleydu u tolaan marka dambe si halkaasi loogu tolo oo loogu jar jaro ,waxaanay taasi sababtay inay magaaladdan ka sameys maan meelo badan oo dharka tolmaha ah lagu tolo ama Xirfadda Dawaarlenimada ku shaqeeya laga furo iyada oo Miisaan badan oo Dawaarlayaal ah aad ku arkeyso dacaladda Baclaha ee Caasimadda Hargeysa,

Ugu dambeyntii waxa uu warbixintiisa uu Wariyuhu ku soo afmeeray socdaal uu ku tegay Seyladda Xoolaha ee ku taala Koonfurta Magaaladda Hargeysa ee Degmadda Maxamuud Haybe, waxaana uu ka sheekeeyey wixii uu halkaasi ku soo arkay waxana uu yidhi , Waxaanu booqanay Suuqa Iibka Xoolaha ee magaaladda Hargeysa, waana mid aad u il qabad leh runtii oo si weyn loogu kala ganacsanaayo waxana is dhaafaya dadka halkaasi xoolaha u iibkeena iyo kuwa wax iibsanaaya oo si taxadar leh iskaga eegaaya xoolaha ay iibsanayaan ,waxana siyaabo kala duwan isku bed bedala Qiimaha Xoolaha la siisto kaasi oo u dhexeeya 700-800 ilaa 200-2,50 (Todoba Boqol ilaa Sideed Boqol oo Lacagta Somaliland) oo lacagta xoolaha la kala siisto ah, waxaana Xusid mudan intii aanu ku gudo jirnay booqashadda aanu Seyladda Xoolaha ee Hargeysa ku tagnay inay Laba ka mid ah Geela Seyladda loo Iib keenay halkaasi isku laayeen halkaasina Siigo badan iyo Boodh uu ka kacay.

Comments

comments

SHARE