Ethiopia: Wasiirka Dhaqaalaha Itoobiya Oo Qaabilay Wasiirka Khaariga Somaliland

Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Lacagta ee Itoobiya, Mudane Axmed Suufiyaan, iyo Wasiir dawlahiisa, Mudane Axmed Shide, ayaa xafiiskiisa Addis-ababa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Md. Ayaanle Salaad Diiriye.

wasiirka dhaqaalahaKulankaas waxay labada dawladood diiradda ku saareen arrimaha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee labada dal.
Waxay labadda dhinac kaga wada hadleen mashruucii “Horumarinta Berbera” iyo sida waxa ka dhiman loo dhamaystiri lahaa. Mudane Axmed Suufiyaan oo ka hadlayey mawqifka Itoobiya ee ku wajahan mashruuca Berbera corridor ayaa yidhi “Itoobiya waxa ka go’an in ay si balaadhan u isticmaasho dekadda berbera.”

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isaguna dhankiisa ku dhiiri-geliyey dawladda Itoobiya,in ay Somaliland diyaar u tahay in Itoobiya si balaadhan u isticmaasho dekadda Berbera. waxa kale oo uu Wasiirku balan-qaaday in Somaliland dhankeeda diyaar u tahay inay dardar geliso heshiisyadii labada dal kala saxeexdeen wixii kaga aadan.
Sidoo kale Wasiirul dawlaha horumarinta dhaqaalaha iyo lacagta Itoobiya, Mudane Axmed Shide, ayaa isaguna kulankaas ka sheegay inay dawladda Itoobiya dirtay laba Kooxood oo kala socday Wakaaladda Tamarta iyo Laydhka Itoobiya, si ay u soo qiimeeyaan “Laydhka ku baxaya magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland.

Comments

comments

SHARE