Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Ku Sugan Tukaraq Dusheeda Iyo Ciidamada Puntland Oo Halkaasi Soo Gaadhey,Xili Dadku Cabsi Ka Qabaan In Dagaal Ku Dhex Maro Degmadaasi

200

Waxa degmada Tukaraq soo gaadhey ciidamo ka socda maamul goboleedka Puntland ,waxaana ciidamadaasi horkacaaya wasiirka Amaanka Dawlada goboleedka Puntland,kuwaas oo kasoo ambabaxay magaalada Garoowe.

Waxa iyaguna aan ka fogay degmadaasi Ciidamada Somaliland oo halkaasi gaadhey,waxaanay degmadaasi ka caydhsadeen maleeshiyo ka tirsan Khaatumo seeg,kuwaas oo isbaaro dhigtay halkaasi dadka dhibaato weyn ku hayey.

Labada ciidan ayaa labaduba degmada agagaarkeeda ku wada sugan yihiin,waxaana dadka degmadaasi ka cabsi qabaan in dagaal ka dhex qarxo,madaama oo ay degmada kusoo xad gudbeen ciidamada Puntland ee Garoowe ka yimid.

Ilaa hadda ma jiro wax warar dheraada oo kasoo baxaaya ciidamada Puntland ee degmadaasi soo gaadhey iyo kuwa Somaliland ee hore ugu sugnaa.

Comments

comments

SHARE