Nigeria: Boko Xaraam oo dad ”dhagaxaan ku dishay”

109

Haween iyo caruur ay ciidammada Nigeria ka soo badbaadiyeen ururka Booko Xaraam ayaa sheegay in Malayshiyadu ay lahaysteyaal dhagax ku laayeen, markii ay millitarigu ku soo dhawaadeen.

Dadkan la soo badbaadayey ayaa hadlay maalin kaddib markii in ku dhawaad saddex boqol oo qof laga soo saaray kaymaha Sambisi oo la geeyay xero ay dawladdu leedahay.

Millitariga Nigeria waxa uu sheegay in ay uu soo badbaadiyey in kabadan todobo boqol oo qof todobaadkii hore, intii uu socday gulufka ka dhanka ah Boko Xaraam. Asama Umoru ayaa ka hadlaysa soo badbaadinteeda.

Kaymaha Sambisi ayaa la aaminsanyahay in ay ku yaaleen saldhigyadii ugu dambeeyey ee kooxda Boko Xaraam oo muddo lix sano ah dagaal kula jirtay xukuumadda Nigeria.

Comments

comments

SHARE