CB: Dalka Congo-Brazzaville oo laga mamnuucay xirashada Niqaabka!

106

Dalka Congo-Brazzaville ayaa laga mamnuucay Haweenka Muslimiinta in ay xirtaan niqaabka ama waxaa loo yaqaano indho-shareerka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa soo saartay amar in aysan dumarka goobaha la isku yimaado (public places) aysan ku xiran karin indho-shareerka, waxaa sidaas saxaafadda u xaqiijiyey Urur ay ku midoobeen Muslimiinta wadankaas oo Wasaaraddu u gudbisay amarka.

Go’aankan ayaa ah mid la xiriira arrimo amni, waxaana dumarka muslimiinta loo ogol yahay indho-shareerka in ay ku gashadaan guryahoodi iyo goobaha cibaadeysto keliya.

Ilaa 800,000-muslimiin ayaa ku nool dalka Congo-Brazzaville, waxaana tirada guud ee dadweynaha dalkaas gaarayaan 6-milyan oo qof.

Waa markii u horeysay wadan ku yaalla Qaaradda Afrika uu si toos ah uu mamnuuco xirashada indho-shareerka, waxaana xusid mudan dalka Congo-Brazzaville uu kamid ahaa wadamada Faransiisku uu gumeystay, waxaana dalka France sidoo kale mamnuuc ka ah xirashada niqaabka.

Comments

comments

SHARE