Somalia: Gudoomiyaha Degamada Ceel-Waaq oo ku dhaawacmay Qarax

Shan Qof oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo Ibraahim Guuleed Aadan ayaa dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay bartamaha magaalada Ceel-waaq.

Gudoomiye Ku xigeenka Ceel-waaq Faarax Macalin Bashiir oo warbaahinta la hadlay ayaa u xaqiijiyey dhaawaca gudoomiyaha iyo Afarta qof ee kale oo la sheegay in ay ka agdhawaayeen goobta Qaraxa.

Faarax wuxuu sheegay in goobta Qaraxu ka dhacay ahayd goob uu inta badan ku nasan jiray Gudoomiyaha lana malaynayo in qaraxan lagu sii diyaariyey mar hore.

Baaris kala duwan ayey ciidamada dowladda federaalka ka hayaan xaafadaha iyo wadooyinka magaalada Ceel-waaq sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka, Isagoo sii raaciyey in ay ku raadjoogaan shaqsiyaad ay tuhunsan yihiin.

Dhaawaca Gudoomiyaha Degmada Ceel-waaq ayaa la sheegay in loo qaaday gudaha dalka Kenya si loogu soo daweeyo dhaawaciisa.

Comments

comments

SHARE