Italy: Ciidamada Badda Talyaaniga oo badbaadiyey Inka badan 3500 tahriibeyaal

epa04397249 More than 900 illegal migrants are shipped to the mainland after being rescued by Italian Navy boat 'Fregata Euro' (background) in the Mediterranean Sea, 12 September 2014. EPA/GIUSEPPE LAMI

Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa soo badbaadiyey ku dhowaad 3,7000  Tahriibeyaal 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay.

Tahriibeyaasha dad Afrikaan ah ayaa waxaa badbaadiyey maraakiib laga leeyahay Talyaaniga iyo Faransiiska, waxayna la socdeen doonyo yaryar.

Saraakiisha Ciidanka Badda Talyaaniga ayaa ku waramaya in dadka laga soo kala badbaadiyey 17-jihood kala duwan.

Waxaa la filaaya in tahriibeyaal hor leh ay naftooda kusoo biimeyaan Badda Mediterranean iyadoo kuwa wax tahriibiya ay ka faa’ideysanayan cimilada badda.

Inka badan 1700 qof ayaa ku dhintey Badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Libya sanadkan oo keliya kuwaas oo ay ku jiraan Soomaali.

Comments

comments