Nigeria: Inka badan 200 qof oo laga soo badbaadiyey Boko Haram

Milateriga dalka Nigeria ayaa sheegay in dad gaaraya 234  oo u badan haween iyo caruur laga soo badbaadiyey kooxda xagjirka ah ee Boko Haram.

Howlgal balaaran oo khamiistii lasoo dhaafay meel keymo ah oo ku yaalla Waqooyi bari ku qaadeen Ciidamo milateri ah ayaa lagu guuleystay in dadkaan lasoo furto.

Waxaa la aaminsan yahay in ay qeyb ka yihin gabdho sanad kahor ay kooxda Boko Haram ka afduubteen iskuul balse weli ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin.

Mudooyinkii u dambeeyay Milateriga Nigeria ayaa waday howlgalo ay kooxda Boko Haraam uga soo furanayaan dad u badan haween oo ay qafaasheen.

Comments

comments

SHARE