Burundi: Saddex qof ayaa ku dhintey weerar ka dhacay Bujumbura

Saddex qof oo laba kamid ah ay yihiin Boolis ayaa lagu diley weerar ka dhacay caasimadda Burundi ee Bujumbura, maalintii shalay ee Jimacada. Waxaa ku dhaawacmey weerarkan qaar kale oo badan. Weerarka waxaa loo adeegsadey garneylka gacanta laga tuuro.

Magaalada Bujunbura waxaa ruxey maalmihii u danbeeyey mudaaharaadyo wata rabshado, kadib markii Madaxwyanaha dalkaas Pierra Nkurunziza uu isku dayey in mar saddexaad uu isu sharaxo xilka Madaxweynaha, iyada oo loo marayo Maxkamadda, waxaana si weyn uga horyimid dhalinyrada iyo ardeyda dalkaas oo ka soo horjeeda in Madaxweynuhu ku noqdo keligii-taliye, dastuurka ku tunta.

Weerar kan lamid ah oo ka dhacay meel ka baxsan caasimadda ayaa lagu dhaawacay saddex qof oo Boolis ah.

Madaxweynaha dalka Burundi Nkurunziza ayaa ku goodiyey in uu kuwa mudaaharadaya gacan bir ah kala hortagaayo. Qiyaastii dad ka badan 600 oo qof ayaa xcabsiyada la dhigey maalmihii u danbeeyey.

Comments

comments

SHARE