Yemen: Xaaladda bini’aadamnimo laga dayrinayo

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in howlgallada bini’aadamnimo ee dalka Yemen ay ku joogsan doonaan maalmo gudahood haddii aanan dib loo soo celin sahayda shidaalka.

Hay’adda ayaa sidoo kale waxa ay ka digaysaa in caafimaadka dalka, biyaha, nidaamka fayadhowrka iyo adeegyada isgaarsiinta ay qarka u saaran yihiin inay burburaan.

Shidaal yarida ayaa sii murjinaysa qaybinta gargaarka sida aadka ah loogu baahan yahay.

In dib dib loo soo celiyo mooyee Mr. Ban wuxuu sheegay in ay tani uga sii dari doonto xaaladda bani’aadminimo ee heerka masiibada ah taagnayd.

Dagaallada oo sii kululaanaya ayaa xannibay in Shidaal la helo.

Waxay sidoo kale ciriiri galiyeen cunnada, adeegyada caafimaadka, iyo ayadoo adeegyo muhiim ahna ay burbureen.

Khamiistii ayaa isbitaalka ugu weyn ee ku yaalla Cadan waxaa soo gaaray dhaawac weyn, shirkadda biyaha iyo fayadhowrka ee gobolka Cadan biyaha siisana waxay sheegtay inaysan awoodin inay shaqayso duqaymo culus dartood.

Garoomada diyaaradaha oo dhan ayaa xiran.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu mar kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xabbad joojin.

Comments

comments

SHARE