Somaliland: Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Dalka

235

Madaxweyne ku xigeenks Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa dalka ku soo laabtay Shalay ka dib safar dheer oo uu ku soo maray Maraykanka iyo Canada, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport Hargeysa maanta.
Waxaana halkaasi kaga hortegay madaxweyne ku xigeenka Xubno ka mida Golaha Wasiirada, Baarlamaanka, Guurtida, Madaxdhaqameedka, Bulshada Qaybeheeda kala duwan isaga oo halkaasi ka hadlayna waxa uu u mahadnaqay madaxweyne ku xigeenku masuuliyiinta iyo bulshada sida diiran u soo dhawaysay waxaanu xog waran ka bixiyey Safarkiisa shaqo ee uu kaga soo laabtay dalka dibediisa, Intaa ka dibna waxa loo soo gelbiyey dhinaca gurigiisa.

Comments

comments