“Muddo Kordhintu Waa Wax Imanaya Haddii Doorashadu Qabsoomi Weyday, Waana Saacadii Guurtidda”

227

“Beesha Caalamku Tallo Wey Soo Jeedin kartaa, Haddii ay sax tahayna waa laga qaadanayaa, haddii kalena…”

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga tallada haya ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac-shabeel) ayaa sheegay in Golaha Guurtidu awood dastuuriya u leeyihiin inay muddo xilkeedkeeda u kordhin karaan Xukuumadda iyaga oo qiimaynaya xaalada iyo duruufaha jira ee sababay dib u dhaca doorashooyinkii la filayay inay wadanka ka qabsoomaan.

“Muddo kordhintu waa wax jira oo imanaya, mar haddii ay doorashadu ku qabsoomi weydo wakhtigeedii oo hore ay u qorshaysnayd 26 June, saacadii ay Guurtiddu shaqadeeda qabsan lahayd baa la gaadhay, saacadaa haddii la marayo waa saacadii Guurtida, maanta iyaga ayaa awooda leh oo qiimaynaya xaalada, duruufaha iyo wakhtiga ay doorasho ku qabsoomayso oo ku dhufan kara muddo kordhinta, waana qodob sharci ah,”ayuu yidhi Jaamac Shabeel oo u waramayay shabakadda internet-ka ee Toga Herar.

Mr. Jaamac Shabeel waxa uu ku dooday sharciyadda muddo kordhinta, waxaannu yidhi “Waa dariiq sharci ah oo la marayo, markaa nin jecel iyo nin neceb-ba wey qabsanaysaa shaqadeeda Guurtidu. Dalalka Somaliland ka taageera doorashada (International Community) waxaannu leenahay xidhiidh wada shaqayneed , waxaanay innaga caawiyaan waxa weeyaan kharashka doorashada, tallo wey keeni karaan, talladoodaasna haddii macquul loo arkana waa la qaadanayaa hadday macquul ahayna la qaadan maayo oo qolana dalkeeda looguma taliyo, qolona arrimaheeda guddaha laguma farogeliyo, kuwa ku qaylinaya ee leh International Community-gaa sidan yidhi waxaan leeyahay weli Maskaxdaa la idinka adoonsadaaye oo adoonsigii qarnigii 19-aad baad weli ku jirtaane toosa, qarnigii 21-aad baa la marayaaye adoonsigii waa laga baxay oo Ninkani waa Nin kula mid ah oo xagii ILLAAHAY kamuu iman waa qof shaqaale ah oo Safiir laga dhigay oo meesha jooga, ra’yigiisuna maaha mid soo degay waa la dhegaysanayaa ra’yigiisa haddii uu macquul noqdona waa la qaadanayaa haddii uu macquul noqon waayana la qaadan maayo.”

“Danta dalku waxay u taallaa Ummadda dalkan leh oo 24 sannadood baynu maraynaa, 24 sannadood yaa innoogu mano sheeganaya inay wax inala qabteen. nabadgelyada, yaa innoogu mano sheegan kara? dawladnimada aynu dhisanay,Dimuquraadiyada iyo nidaamka aan ahayn doorashadaanu idinka caawinaa iyo kharashkaanu badh idinka bixinaa,” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, waxaanu intaas ku ladhay “Waxa loo baahan yahay in la gaadho xal waara oo mustaqbalka dambe ina anfaca, xalkaasuna waxa weeyaan Diwaangelintaas oo innoo hagaagta, Diwaangelintaasi hadday inoo hagaagto oo laga baxo oo aynu mar uun ka gudubno, carqaladan doorasho kastaa markay timaado Diwaangelinta oo la isku haysto oo lagu murmayo haddaynu ka gudubno caqabadaa doorashooyinku waxay ku qabsoomi karaan wakhtigii loogu tallogalay, waxa lagu qaban karayaa doorashada saddex bilood haddii Diwaangelin sax ah aynu helno oo doorashooyinka soo socda oo dhan waxa lagu qaban karaa saddex bilood muddo ah, laakiin inta dhibaatada Diwaangelintu ay taalo wey oolaysaa kordhitaa dhibaatadaasuna wey jiraysaa. Sabab kalena wey jirtaa oo iyadduna u baahan in wax laga qabto oo waaqic meesha yaala ah oo aanay ku xisaabtamin Komishanka doorashooyinku markay lahaayeen June kowdeedaanu qabanaynaa oo aanay meeshaba ka saarin.”

Sidoo kale Jaamac Shabeel waxa uu soo jeediyay in saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka loo qaybiyo si cadaalad ah, waxaanu yidhi “Golaah Wakiiladu waxay meel mariyeen doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka in mar la wada qabto, Xeerkiina Madaxweynuhu wuu saxeexay oo Xeerkii doorashada Baarlamaanka lagu qaban lahaana ma jiro weli, qodobka Xeerkaa caqabada ku ahina waa saami qaybsigii, haddaan taa saami qaybsigana xal loo helin June baad sheegaysaaye goor ay dhicin doontana la garan maayo, Baarlamaan la meel mariyay June maahee 2020 inay gaadhi la garan maayo haddii xal loo waayo Kuraasta sida loogu qaybinayo dalka,waayo waa la isku dulman yahay, Baarlamaankiina waxa wada dhex fadhiya Ninkii lixda kun ku waayay iyo kii kun iyo shanta boqol, kii lixda kun ee cod helayna dibaduu joogaa oo kii kun iyo shanta boqol ee cod helayna Baarlamaankii wuu fadhiyaa, waxa loo baahan yahay si cadaalada ah oo xaq ah in Kuraasta Baarlamaanka gobolada loogu qaybiyo ilaa taa xalkeeda la gaadhana doorasho dhacaysaa ma jirto.”

“Caqabada u horaysa ee hor taagan doorashadu waa taa markaa xalkeeda ha ka qayb qaataan cid kasta oo doonaysa inay doorashadu dhacdo oo doonaysa in dib dambe aanay kororsiimo u dhicin, oo jecel in laga gudbo qodobkan 83-aad oo doorashada wakhtigeedii ku qorshaysan tahay inay ku dhacaan. Waa in arrimahan xal loo helaa oo Diwaangelin sax ah la helo oo laga shaqeeyaa in Xeerkan Baarlamaanka uu soo baxo oo saami qaybsigii la dhameeyo oo si cadaalad ah loogu qaybiyo gobolada,”ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Comments

comments