France: Nin Qorsheenayey inuu Kansiisado weeraro oo la qabtay!

171

Booliiska France ayaa si lama filaan ah u qabtay nin qorsheenayey inuu weeraro ka geysto Kaniisado ku yaal caasimada dalkaasi ee Paris.

Ninkan oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Aljeeriya oo ah 23 jir arday jaamacadeed ah ayaa la xiray kadib markii uu isagu u yeertay gurmadka caafimaadka, kadib markii uu is dhaawacay!

 Ninkan ayaa la sheegay inuu mindi isku muday xili uu dil u geysanayey haweenay, kadibna uu gurmadka caafimaadka u wacday.

Booliiska ayaa markii ay u yimaadeen gaarigiisa ka helay hub badan iyo jaakadaha xabada celiya.

Waxay booliiska sidoo kale heleen haweenaydii uu dilay wiilkaasi oo la sheegay inuu xiriir la lahaa kooxaha ka dagaalama dalka Siiriya.

Markii ay booliiska baareen guriga uu wiilkaasi ka deganaa magaalada Paris ayey waxay heleen hub aad u badan iyo waliba qoraalo uu diyaarsaday oo ku aadan goobo iyo kaniisado uu damacsanaa inuu weeraro.

Ninkan ayey horey ulla socdeen hay’adaa sirdoonka France balse waxaa la sheegay inaan la qabteen hadii uusan isagu u yeeran ciidamada gurmadka kadib markii uu dhaawacmay.

Comments

comments