Somaliland: Xukumadda Oo Hirgalinaysa Qorshe Lagu xaqiijinayo Sidii Shaqo Muwaadin Qaban Karo aanu Qof Shisheeye U Qabteen

233

Kulan ay soo agaasintay Wasaaradda shaqada iyo arrimaah bulshada Somaliland oo ay iskugu yimaadeen wasaaradaha shaqada iyo arrimaha Bulshada, wasaaradda arrimaha Gudaha, wasaaradda Ganacsiga , wasaaradda Qorsheynta, iyo taliyaha Socdaalka oo ay matalayeen wasiirada iyo wasiir ku xigeenada ayaa lagu dajiyay qorshihii loo xaqiijin lahaa in shaqada muwaadiniintu qaban lahaayeen aanay ajanabigu qaban.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada, Dr Cabdi Awdaahir Cali oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la isla gartay hirgalinta shuruuc lagu dhaqo ajaanibka dalka imanaya iyo sidii shaqooyinka Muwaadiniintu qaban karaan aan loogu yeedhin kuwa shisheeye.

“Kulanka waxaa lagu lafo guray Arrimaha shaqo abuurka oo dalka iyo dadkaba u muhiim ah, gaar ahaana arrimaha saameeya in Shaqadii Muwaadiniintu qaban lahaayeen laga yaabo inay dad Ajaanib ahi si sharci darro ah u hayaan, dadkeeniina ay shaqo la’aani jirto”, ayuu yidhi Dr Cabdi Awdaahir.

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Waanu soo dhaweynaynaa dadka shisheeye ee dalka maalgashanaya, maadaama dalkeenu yahay dal xor ah, haddaan dibada lagaaga imana adigoo kali ahi iskuma filnaan kartid, hase ahaatee waxaa waajib ah in dadkaas dalka soo galayaa yihiin dad fasax u haysta xagga amniga iyo shaqo abuurka oo dalka sharci ku jooga”

Dr Cabdi Awdaahir Cali waxa uu sheegay in talooyin laga soo saaray kulanka Wasaaraddaha “waxaa la isla qaatay talooyin faro badan, oo qorshe laga soo saari doono insha Allah, sidii loo xaqiijin lahaa dadka ajanabiga ah ee dalka ka shaqeeya ee loo diwaangalin lahaa Gobolada iyo degmooyinka meel kastoy joogaanba”, ayuu yidhi Wasiirk.

Wasiir Cabdi Awdaahir waxa uu sheegay inay kulankan iskula afgarteen sidii loo hirgalin lahaa inaan qof ajaanib ahi qaban shaqo qof muwaadin ahi qaban karo. Waxa uu sheegay in shaqaalaha kala duwan ee Ajaanibka ah ee u shaqeeya Hay’addaha kala duwan la diwaangalin doono.

Wasiirku waxa uu sheegay in Guddi laba todobaad arrimahan isku soo tuba ridda ay u saareen waxa soo baxana lagu celinayo golaha wasiirada oo hore fikraddani uga timid.

Comments

comments