Somaliland: XukumaddaOo Jawaab Ka Bixisay Qorshaha Somalia Isbahaysiga Carbeed Ugu Ogolaatay Badda iyo Garoomada Somaliland

131

Wargeyska The Guardian, oo soo xiganaya ilo dhanka amaanka ah oo Muqdisho ku sugan iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia, ayaa sheegay in Badda,Cirka iyo Dhulka Somalia u fasaxday isbahaysiga Sucuudigu hogaamiyo ay ku jiraan Magaalada Berbera ee Somaliland iyo Boosaaso ee Puntland.

“Ilaha Muqdisho ku sugani waxay sheegeen in Magaalada Boosaaso ee Waqooyi bari Somalia ku taala iyo Magaalo xeebeeda Berbera ee ku taala Somaliland oo Somalia ka go’day loo isticmaali doono hawlgalka Isbahaysiga, sababtoo ah labaduba way u dhaw yihiin Yemen” ayuu Wargeysku ku sheegay Warbixintiisa.

Xasan Nuur oo ah Aqoonyahan falanqeeya Siyaasadda ayaa Wargeyska Guardian u sheegay in sababta kali ah ee Somalia u gashay dagaalka Yemen tahay sidii way wadamada Saliida qaniga ku ah Lacag ugaga heli lahayd “Sababta qudha ee Soomaaliya u taageertay Sucuudigu waa inay ka hesho dhaqaale, maadaama ay dagaalka hogaaminayaan dalalka qanniga ah ee Carabtu, waxaanna la eegay oo qudha sidii lacag loo heli lahaa.”ayuu yidhi Xasan Nuur.

Wargeyska ayaa sidoo kale soo xigtay Wasiirka Khaarajiga Somalia Cabdisalaan Hadliye oo Salaasaddii la hadlay “Waxa aannu ka werwersanahay xaaladaha qalafsan ee ka jira dalka Yemen, iyadoo dhibaatooyinka ka jira Yemen ay qaar la mid ah ka taagan yihiin Soomaaliya, sidaas darteed, ma daawan karno xaaladaha qalafsan ee ka taagan, waxayna kooxaha Xuutiyiintu isku dayayaan inay afgambiyaan dawladda sharciga ah ee Yemen, waxaanna dalalka Carabta ay masuuliyad ka saran tahay inay badbaadiyaan, Soomaaliya-na door ayey ka qaadanaysaa in dhibkaas la soo afjaro,”

Wargeyska ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia intii lagu jiray shirweynihii Carabta uu kulamo gooni ah la yeeshay Wadamada Sucuudiga,Masar iyo Yemen, kuwaasi oo uu kala hadlayay arrinta Fasaxa Somalia siisay hawlgalka.

Haddaba Wararkaasi waxaa jawaab ka bixisay Xukumadda Somaliland.Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa gaashaanka ku dhuftay in Somalia bixiso ogolaanshaha Xulufadu ku isticmaali karto Garoomada iyo dekeddaha Somaliland.

“Xulafada dagaalka ku jirta ee Sucuudigu hogaaminayaa ma isticimaali karaan Hawada, Badda, iyo Garoomada Qaranka Somaliland ilaa ogolaasho rasmi ah soo waydiistaan Xukuumadda Somaliland”, ayuu Wasiirka duulistu ku yidhi Qoraal uu soo saaray.

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Inkastoo mawqifkayga siyaasadeed uu cad yahay, hadana ma isticimaali karaan angoo aan u ogolaan, waanu uga digaynaa in ay iscimaalaan, fariin cod dheerna waxaanu leenahay wixii cawaaqib xumo ka timaada arintaasi hadii ay dhacdo iyagaa ka masuula. u raacimayno masuuliyadeeda Muqdisho Dawladda Soomaaliya”.

Wasiirku waxa uu sidoo kale ka hadlay Aragtida Xukumadda Somaliland ee qalalaasaha Yemen “Jamahuuriyadda Somaliland werwer badan ayey ka qabtaa waxaa ka socda dalka Yeman, il dheer baanu ku haynaa, beesha caalamkana waxaan ugu baaqaynaa in lays ku dayo in xal loo helo dagaalkaas socda”.

Comments

comments