Somaliland: Madaxweyne Silaanyo oo la kulmay Safriika Turkiga u Qaabilsan Somaliland & Somalia

173

Madaxweynaha Somaliland waxa uu kulan la qaatay Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Olgan Bekar.

Madaxweynaha waxa ku wehelinaayey kulankaas wasiirka Qorshaynta, Madaxtooyada, Arrimaha gudaha, Maaliyada, wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha JSL.

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa faahfaahiyay kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka Turkiga “Weftigan Turkigu waxay u socdeen inay arrimihii Wada hadalada Somaliland iyo Somalia wax inaga waydiiyaan, Wada hadaladana waynagii Meel ay dhaafi waayeen aynu ku soo xidhnay, halkaas oo ahayd Somalia hadday doonayso in la wada hadlo inay soo kaxaysato dad reer Somalia ah”

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Arrintii wada hadalada Somaliland halkii uun bay ka taagan tahay, wax isbedel ahina ma jiraan. Waxay Somaliland taagan tahay Somalia hadday doonayso in la wada hadlo ha soo kaxaystaana dad reer Somalia ah”

Safiirka Turkiga oo dhankiisa ka hadlay ayaa isna yidhi “Maanta Madaxweyne Siilaanyo, ayaanu la yeelanay Kulan midho dhal ah, waxaanu ka wada hadalnay Wada hadaladii Somaliland iyo Somalia iyo sidoo kale Xidhiidhka labada geesoodka ah ee Somaliland iyo Turkiga. Hadda waxaanu diyaar u nahay in la sii wado Wada hadalada. Insha Allah rajo fiican baanu ka qabnaa inay wada hadaladu sii socdaan.

Sidoo kale waxaanu falanqaynay xidhiidhka Somaliland iyo Turkiga ka dhexeeya, waxaanu hadda wadnaa qorsheyaal mustaqbalka lagu horumarinayo xidhiidhka laba geesoodka ah ee Somaliland iyo Turkiga. Somaliland waa Xudunta Goobahayaga Taariikhiga ah, sidaas darteed waxaanu u baahanahay inaan xidhiidh qoto dheer la yeelano

Comments

comments