Somaliland: Xasan Ciise Oo Ka Hadlay Sababta Ay Uga Baaqdeen Xuska SNM

221

Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland Muddane Xasan Ciise Jaamac, ahna Guddoomiyihii urur siyaasadeedkii Xaqsoor, kana tirsan Madasha Wada-tashiga, isla markaana ka mid ah aasaasayaashii Ururkii SNM, ayaa sheegay in munaasibada Sannad-guuradii 34-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii SNM, ayaa ka hadlay sababta ay isaga iyo mujaahidiin badan oo magac ku lahaa halgankii SNM uga qayb geli waayeen xus loo sameeyay aasaaskii SNM oo shalay lagu qabtay Hargeysa.

Md. Xasan Ciise Jaamac, oo shalay u waramay weriye ka tirsan  Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay amuuro badan oo wadanka khuseeya. Ugu horayn Xasan Ciise Jaamac oo uu Geeska Afrika weydiiyay sababta ay isaga iyo madaxdii kale ee SNM ee aasaasay ururkii SNM uga qayb geli waayeen munaasibada shalay ayaa ku jawaabay,   “Ururka Sooyaal ayaa qaban qaabinaayey Munaasibada Lixda April ee aasaaska Ururka SNM, laakiin Xukuumadda ayaa gacan weyn ku lahayd, Kaadhadhkii Caasumada waa naloo keenay qoladaydii aasaastay SNM maanu tagin, waxa aanu u tagi weynanayna waanu is weydiinay, qoladayadii joogtay 1981-kii Maalintii la aasaasay SNM, oo ay ka mid yihiin Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo aniga kaadhadkii wey noo keenen, laakiin waxay yidhaahdan marti ayaad tihiin, ee kuma jirtaan dadka meesha ka hadlaya, markaas arintaas waanu la fajacnay, waanan la yaabnay, waxaana nidhi Munaasibadan la qabanayo, Odayaashii masuulka ka ahaa aasaaska SNM ee taariikhda iyo sababta loo aasaasay ogaa, haddii aanay ka hadlaynin yaa ka hadlaya, markaas waanu isla fahmi weynay, waanu is af-garan weynay, sidaas awgeed ayaa qoladaydii asaaska SNM ahaa ugu joognay”.

Xasan Ciise Jaamac ayaa mar uu ka hadlaayey sababta loo aasaasay SNM yidhi “Lixda bisha afraad waa  Maalin taariikhiya, waa mid ka mid ah Maalmaha ugu qaalisan  Taariikhda Somaliland, waa Maalintii lagu dhawaaqay Ururka SNM ee aanu kaga dhawaaqaynay Magaalada London 1981-kii,dad badan ayaa nala yaaban markii aanu ku dhawaaqaynay SNM, balse waa taas waxa aanu wadnay run noqday, oo waa taas Somaliland dhisan”.

Xasan Ciise Jaamac ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Madaxweynaha Somaliland oo ahaa Guddoomiyihii ugu muddada dheera SNM iyo wax u qabadkiisa dhinaca SNM wuxuu yidhi “Axmed Siillaayno waxa uu ku jiraa Guddoomiyayaashii SNM, waana dhab oo taariikhda ayaa sheegaysa inuu yahay Guddoomiyihii ugu muddada dheera SNM, sidaas oo ay tahay aniga halkan [gurigiisa] waxa igu yimaada rag ka mid ah Raggii SNM oo Lugaha beelay, oo aan xitaa qaadan inta uu Askarigu qaato, waxa jira Agoon iyo Qoysas ay ka shahiideen Mujaahidiintii SNM , oo dayacan,waxa jira Mujaahidiin badan oo ka mid ah SNM oo u baahan in la caawiyo, waxna loo qabto”.

Xasan Ciise Jaamac mar aanu weydiinay goortii iskugu dambaysay Madaxweyne Siilaanyo wuxuu yidhi “Madaxweynaha waxa igu dambaysay markii Doorashooyinkii ugu dambeeyey ee muranku ka dhacay, ee la boobay  lana musuq-maasuqay Doorashooyinka ayaa dabadeed qolooyin ergo  ahi na soo kala dhex galeen, kuwaas oo doonayey inay naga dhex argeeyaan”.

Xasan Ciise Jaamac ayaa mar la su’aalay sida uu u arko wada hadalada Somaliland iyo Somaliya wuxuu yidhi “Anigu mabda’iyan waxa waligayba odhan jiray waa in qolada Xamar wada hadalo lala furaa, waayo Wadamo hore oo kala tagay ayaa dariiqaas maray oo tusaale ahaan haddii cid geel iskugiin jiri jiray oo aad ka soocato Geelaagii, kii aad ka soocatay uu isna leeyahay waa Geelaygii sida ugu wanaagsan ee Geelaagu kugu xalaaloobaya waa inaad ka saxeexato Geelaga kan aad is haysan ee aad kala tagteen, aniguna ilaa dawladdii Cigaal iyo Ina Rayaale waxa aan odhan jiray waa in lala hadlaa Somaliya, maxa yeelay haddii aad doonayso in lagu ictiraafo oo aad ka mid noqoto Wadamada Caalamka, waxa ay ku odhanayaan waa inaad dariiqaas aad soo martaa, waxa anigu u jeeday in Adduunku shuraada ay kugu xidhayaan aad ka soo baxdo iyo walibana inaad adduunyada aad ku casuunto wada hadaladaas oo aad u caddeeyso inaad gar leedahay, Somaliduna waxa ay tidhaahdaa haddii Go’aaga lagugu qabsado waa laga gar baxa. Waxa la is weydiinaya haddii ay wada hadalada micno yeelan waayan oo waxba ka soo bixi waayan in la wado uun maaha ee wax walba micno ayey leeyihiin oo waa la joojin karaa ama waa laga bixi karaa, balse haddii wadahadaladaas la bilaabay la joojinayo waa inay noqoto mar aad adduun weynihii u bandhigtay oo aad u caddeeysay inaad adigu gar leedahay, qolada kalena ay gardaro meesha kala tagaan”.

Xasan Ciise Jaamac mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko tirada badan ee golaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku jawaabay “Arinta Xukuumad tiro yar oo tayo leh ayaan sameeynaya waa arin Siyaasiyiin badani balanqaadan, balse waa nasiibo daro oo tiradii yaraydna ma muuqato tayadiina ma muuqato, waana wax cad oo dadka oo dhami arkayo”.

Xasan Ciise Jaamac, waxa la weydiiyay inuu is barbardhig ku sameeyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee wakhtigan iyo xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu yidhi  “In Labada Xukuumaddood la is barbar dhiga wax sahlan maaha, oo waxa ay noqonaysaa in si balaadhan loo eego, balse marka aynu soo qaadano dhinaca Doorashooyinka, Doorashooyinkii hore ee ay Xukuumaddii hore qabatay caadi ayey ahaayeen, marka loo eego Doorashadii ugu dambeeysay ee ay Xukuumaddani qabatay, Doorashadaas oo aan lagu tilmaami karin Doorasho, oo Maxkamadaha Ingiriiska ayaa darsay  oo sheegay sida wax loo dhacay, ee loo boobay, oo Shirkadii wax soo daabacday waa tan la xukumay Komishankii Doorashada qabtay, waatan Maxkamada London sheegtay in aanay Doorasho  qaban, dulmi badan ayaa dhacay, boob badan ayaa dhacay, musuq badan ayaa Doorashadaas lagu sameeyey, oo Tusaale ahaan Nin ka sharaxnaa Geed-deeble oo Madax hore uga ahaan jiray Wakaalada Biyaha, ayey ku yidhaahdeen waxba maad helin, isaga oo reerkiisu meesha degan yahay, ayaa markii lagu yidhi xitaa waxba maad helin, ayuu yidhi anigu waan codeeyey, Caruurtayda iyo reerkaygu wey coddeeyeen ee codkaygii mee, iska daaya dad kaloo, Ceerigaabana sidaas oo kale ayaa ka dhacday, oo Nin qiyaastii Doorashadaba heli lahaa oo reerkiisu degan yahay Ceerigaabo, ayaa isna sidaas oo kale la yidhi waxba maad helin, waa kuwii iska yidhi Xogtii Xaqsoor ee Computerka ugu jirtay ee Hargeysa waa la waayey, iyada oo gacanta lagaga saaray, oo la og yahay, waxay yidhaahdeen Virus ayaa ku dhacay, Virusku ma Xaqsoor oo qudha ayuu helay. Qoladani [xukuumadan] wada hadalo ayey bilawday, wada hadaladaas talo saliim ah oo ay qaadateen ayaan u arkaa, oo ay ku dhammaan Xukuumaddihii hore, balse waxa meesha taala sidee ayey uga faa’iideeyeen wada hadaladaas, waxa la odhan karaa sidii loo baahnaa ugamay faa’iideeyeen wada hadalada”.

Mar aanu wax ka weydiinay inay wax iska bedeleen mawqifkii isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka iyo Madasha ee ku saabsanaa jiritaanka Xukuumadda ee 26-june, ayaa ku jawaabay “Go’aankii waa halkii haddii Illaahay yidhaahdo isbahaysigu wuu soconayaa, inuu sii kordho mooye ma filayo inay wax iska dhimi doonaan,  Isbahaysiga cid lagu xumayn  looma samayn, in cid lagu dulmiyo looma sameeyn, waxa loo sameeyey danta dalka iyo dadka, wixii aanu talo bidno ayaanu ku dhaqaaqayna, maxaa yeelay dalka cid nooga lexejeclo badani ma jirto”.

Xasan Ciise Jaamac ayaa mar aanu wax weydiinay muddo kordhinta Xukuumadda ee la hadal hayo ayaa ku jawaabay “Isbahaysigu waa kii go’aan ka soo saaray muddo kordhinta, muddo kordhin wakhti dheer oo Xukuumaddan waanu canbaaraynay oo in badan ayaanu canbaaraynay, oo imikadaas ayaanu canbaraynaynaa, oo Xukuumaddani wakhtigaas Shanto Sanno xilka haysay Doorashada wey ku diyaarin lahayd, markaas maadama ay Doorashadu dib u dhacday, waa in Komishanka loo daaya wakhtiga ay Doorasho ku qaban karaan”.

 

Comments

comments