“Xukuumaddu Ha U Diyaar Garowdo Qorshaha Kaga Soo Beegan Qaxoontiga Reer Yaman, Si Ay Sumcad Iyo Bani’aadanimo Uga Hesho Caalamka”.Aadan Dhoolayare

Wasiirkii Hore Wasaaradda Cadaalada ee Xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin,Md.Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare),ayaa ka hadlay Xaalada Dalka Yaman haatan ka aloosan iyo Saamaynta taban ee ay Dal iyo Dadba ku keeni karto JSL.waxa uu sheegay in Xukuumada Somaliland ka diyaar garawdo Saamaynta Dhaqaale ee Dagaalakaasi ku keeni karo Dalka,isaga oo Wadamada Khaliij-kana ku eedeeyay inay tahli kariwaayeen inay hab Diblumaasiyadeed ku xaliyaan Mashaqada Dalkaasi kulaalaya Qooriga Cadmeed ee Istiraatijyada Weyn u leh isku socodka Ganacsi ee Caalamka.

Waxaana uu Md.Dhoolayare Sidaasi ku sheegay War Qoraal ah oo uu Warbaahinta soo gaadhsiiyay,kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay  Shabakada Caalamiga ah ee Wargane News .

Waxaana uu u dhignaa sida tan: “Halkan waxaan ka hadlaya dagaalada ka socda Yaman,taas oo ay ka bilaabmeen weeraro ay isu kaashadeen dawladaha Carabtu oo uu gadhwadeen ka yahay Boqortooyada Sucuuduga.

Waxa hadaba la yaab leh iyadoo beryahan dambe oo dhan ay Xuutiyuuntu ka wadeen dagaalo kuna talaabsadeen guulo badan oo ay ku qabsadeen inta badan dhulka Yamanta. Hadaba iyadoo ay muddo dheer daawanayeen dawladaha khaliijku oo aynu ognahay haddi ay xuutiyuuntu ku guulaystaan qabsashada Yaman aanu fadhi u oolin Dawladaha Khalijku taas oo ay ka faaiidaysanyso Eeraan inay wax ka bedesho Khaliijka iyado

oo hore ugu guulaysatay inay Ciraaq ka taliyaan Shiicadu,Suuriyana ay gacanta ku hayso Eeraan waxa hadaba isweydiin leh sababta ay dawladaha khalijku u daawanayeen intaas oo dhan iyago og inay maslaxadooda ku jirin inay Eeraan ka taliso khaliijka.

Siyaasad xumida dawladaha khalijka ee hodanka ku ah saliida inaanay ka fakirin marnaba sidi ay u dejin lahaayeen uguna samayn lahaayeen dhaqaale loogu abuuro shaqooyin shacabka yamanta xataa khaladka ugu weyn markay khalijku sameeyay waxay ahayd 1977 markii ay samaysteen majliska khalijka oo ay ku koobeen dawladaha saliida hodanka ku ah ee khalijka,iyadoo ay ahayd inay ku daraan wadanka yamanta kana fakiri lahaayeen inay iska daboolaan baahida shacabka yamanta una samayn lahaayeen warshado,beero ay xata wax uga soo baxaan dawladaha khalijka oo ay lacagta faraha badan ee ay khalijku dhigtaan reer galbeedka wax ka taraan taasI waxay wax tar weyn u ahaan lahayd oo halkooda ku nagaan laha shacabka bila camalku daashaday.

Waxaanay ahayd inay ku daydaan dawladaha reer galbeedka ah ee marka gidaarki Baarliin jabay ee dawladihi reer Waarso ooda soo jabiyeen ee ay ku soo qamaameen dawladaha barwaaqo sooranka ee yurubta galbeed.

Waxay reer galbeedku talo ku gaadheen inay dhaqaale badan oo lagu soo gaadhsiiyo horumarna loogu sameeyo yurubti bari ee dib u dhacsanayd dhinac kasta wey ka taageereen taasi waxay keentay inay yurubti galbeed ka nabadgalaan qowmiyadihi ku soo qamaami laha ee faqrigu hadheeyay una dhiseen nolol la mid ah tooda ama u dhaw iyaguna ku qanceen wadamadooda.

May yeelin kamana ay fakirin khalijku inay dhaqaalaha faraha badan ee ay haystaan ku caawiyaan dawladaha carabta ee la dhibaataysan dhaqaale xumida sababna u ah inay shacabku taageeraan argagixiso iyo inay ku kacaan xukuumadahooda taasna aynu maanta arkayno natiijada ka dhalatay.\

Waxa u dambaysay Yaman oo ay maanta ka bilaabtay qaxooti iyo burbur la burburiyo dhaqaalihi iyo wax kasta oo ay dawladi lahayd una horseeday shacabki qaxooti oo noqday salool la saydhiyay.

Anigu waxaan qaba haddi ay dawladaha khalijku yeelan lahaayeen aragti ka dheer intaas inaanay burbureen Somaliya,Libiya,Suuriya Ciraaq oo ay keeni caqliyad ka nabadgelisa musiibooyinka dadku abuuraan. Maanta dawladihi carabtu waxay u qaybsameen wax qarka u saaran burbur iyo in burburtay walina khalijku ma hayaan talo aan ahayn in lagu duulo shacabka carbeed ee nolol raadiska ah kana faaiidaysteen cadowgoodu. Waxa isweydin leh ma lagu guulaysan kara oo dayuurado ma joojin karaan dagaalyahaniinta xuutiga taas oo horseedi doonta barakac iyo qaxooti ay waliba ka xidhaan xuduudka. Waxaan maqaalkaygan ku soo koobaya xukuumada Somalilanad inay u diyaar garoodo qaxootiga faraha badan ee ku soo socda una qaabilaan si wanaagsan lana diiwaan geliyo xata kuwa soo shaqo tegay waayo iyagaba waxay ka soo carareen dagalada si aanay u noqon nidaam xumo islamarka nabadgelyada loo ilaalin laha oo aanay ugu soo dhuuman argagixiso xukuumaduna la kaashato dawladaha caalamka iyo Unhcr.

Sidaasi awgeed xukuumadu ha u diyaar garowdo qorshaha kaga soo beegan qaxootiga si ay sumcad iyo bani aadanimo uga hesho caalamka”

Aden Axmed Cilmi

Comments

comments