Somaliland:Xisbiga WADDANI Oo Qirtay Inay Dacwado ka Dhan ah Ciidanka Booliska u Gudbiyeen Dawlado Shisheeye

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa qirtay tallaabo ah jariimad culus iyo fadeexad siyaasadeed oo ay ka galeen dalkooda, waxaanay daboolka ka qaadeen inay dacwado ka dhan ah ciidammadda Booliska qaarkood ay u gudbiyeen dalal iyo safaraado shisheeye oo ay kaga dalbadeen in la joojiyo taageerada la siiyo ciidankaasi.

Xisbiga WADDANI waxay u marag fureen madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad sanadeedkiisii uu Sabtidii todobaadkan u jeediyay labada aqal ee Guurtida iyo Wakiiladda, ku soo qaaday inay ceeb inteeda leeg tahay in xisbiyadda mucaaridka ahi ay qoraallo been lagaga sheegayo ciidammadda booliska qaarkood ay u gudbiyeen dawlado iyo safaarado shisheeye.

Afhyeenka Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sheegay in ay beesha caalamka u gudbiyeen dacwad ka dhan ah ciidamada RRU-da, isla markaana ay dalbadeen in qaadhaan bixiyayaashu ay ka jaraan dhaqaalaha iyo tababarada ay siiyaan Ciidankaasi “Dalku wuxuu ku dhisan yahay qawaaniin, shuruuc ayay leeyihiin ciidamadu, haddii ay shuruucdaa ka gudbaan ciidamadu, dacwadu way imanaysaa, waana khasab in laga dacwoodo oo laga ashkatoodo. Sharci iyo nidaam ayaa jira ay ciidamadu ku shaqeeyaan, xeerar baa jira iyo qawaaniin jideeyay sida ay ciidamadu u shaqeeyaan, markaa ciidanku haddii uu qawaaniintaa ka hor-yimaadaan, waa khasab in la dacweeyo iyo in laga ashkatoodo, waayo qofka muwaadinka ah marka uu askarigu ku tacadiyo xaq buu u leeyahay in uu afka furto oo uu ka dacweeyo cid kasta oo wax ka qaban karaysa dacwadiisa,”ayuu ku tiraabay Afhayeenka xisbiga WADDANI Md.Ibraahim Mahdi Buubaa oo saxaafaddu wax ka weydiisay Sabtidii waxa ka jira eedaha lagu eedeeyay inay dacwado ka dhan ah qeybo ka mid ah ciidammadda booliska.

Arrintan ayaa ah fadeexad kale oo xisbiga WADDANI shaambad madow ku noqon doona mustaqbalkooda, waxaanay dhacdadani cirka kaga sii shareeraysaa inay kaalin ka galaan tartanka doorashooyinka ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan.

Comments

comments

SHARE