Somaliland:Madaxweyne Silaanyo Oo Kulan La Qaatay Safiirka Ingiriiska U Fadhiya Addiis Ababa Iyo Wafti Ka Socda Midowga Yurub

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay wefti balaadhan oo isugu jira Safaarada Ingiriisku ku leeyahay Dalka Ethiopia iyo xubno ka socday EUROPEAN UNION.

Waxaana madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Arrimaha gudaha, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

Waxaana kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis,waxaana uu sheegay inay labada dhinac ka wada hadleen sii xoojinta Xidhiidhka Wadashaqayneed ee ka dhexeeya Jamuuriyada Somaliland iyo Dawlada Boqortooyada Ingiriiska.

Comments

comments