Cabsida Soomaalida Yemen degan

Howl wadeenada gargaarka ee ku sugan dalka Yemen ayaa sheegaya in duqeyn dhanka cirka ah oo lagu qaaday xero qaxooti oo ku taalla waqooyiga dalka ay ku dhinteen 40 qof ayna ku dhaawacmeen ugu yaraan 200 oo kale.

Soomaalida ku dhaqan dalkaasi oo u baan qaxooti ayaa waxaa soo wajahaya culees badan iyo cabsi ay ka qabaan duqeymaha iyo dagaalada halkaasi ka taagan.

Soomaaliya ayaa taageertay howlgalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Haddaba taageerada Soomaaliya ee howlgalka Yemen saameyn intee la eg ayey ku yeelan kartaa bulshadaa ballaaran ee Soomaalida ah ee halkaasi ku nool?

Waxaan su’aashaasi iyo su’aalo kalaba waydiinay Maxamed Maxamuud Guure oo ka faalooda arrimaha Carabta, oo khadka taleefanka ugu warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.

Comments

comments

SHARE