Somaliland:“Wixii Imika Ka Dambeeya Haddii Amarkaygu Fuli Waayo, Rag Badan Oo Xilalkooda Waayi Doona” Cali Waran Cadde

133

Guddida bilicda Caasimadda Hargeysa ayaa maanta iclaamiyey in dalka oo dhan laga sameynayo olole nadaafadeed, kaasi oo kor loogu qaadayo bilicda Magaalooyinka dalka.

Guddida bilicda Caasimadda Hargeysa oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah Badhasaabada gobollada dalka, ayaa dadweynaha u soo jeediyay inay u diyaar-garoobaan sidii ololaha nadaafadda looga qayb-qaadan lahaa.

Wasiirka Wasaaradda deegaanka ee Somaliland, Marwo Shugri Ismaaciil Baandare, oo halkaasi ka soo jeedisay hadal kooban ayaa farriin u dirtay bulshada, gaar ahaan haweenka “Ka wasaarad ahaan waxaanu dumarka rajeynaynaa inay maalintaa soo xidhaan shiidkooda oo ay soo shaqo tagaan..”ayay tidhi.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta Somaliland, Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, ayaa iyaduna sheegtay in loo baahan in bulshadu ka waantowdo inay qashinka dhigaan guryaha hortooda, hasa-ahaatee loo baahan yahay in la iska fogeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Cali Maxamed Waran cadde oo ka mid ah guddida bilicda Caasimadda Hargeysa, ayaa isaguna yidhi “Waxa Dawladdu garatey in 7-da bisha afraad dalka oo dhan laga bilaabo olole nadaafadeed, sidaa daraadeed waxaan halkan ka amrayaa Badhasaabada gobollada, degmooyinka iyo bulshadaba in nadaafadaa la (fuliyo..”

Wasiir Cali Waran cadde oo sii hadlaya ayaa muujiyey in Maamullada degmooyinka dalku aanay ku dhaqmin amaradiisa, waxaanu ku hanjabay in masuuliyiin badan xilalkooda waayi doonaan haddii aanay amarradiisa fulinin “Wixii imika ka dambeeya haddii amarkaygu fuli waayo rag badan oo xilal ka haya dawladaha hoose ayaa xilkooda waayi doona runtu siday tahay..” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

Comments

comments

SHARE