UK:Golaha Deegaanka Cardiff Oo Ictiraafay Somaliland

Golaha Deegaanka Cardiff oo ku dhawaaqay inay somaliland ictiraafeen iyada oo ay horena u ictiraafeen golaha deegaanka Sheffield oo iyagu noqday Golihii u horeeyey, halka ay maanta noqdeen golihii labaad reer Cardiff.
Tani oo noqonaysa dedaalka ay somaliland ugu jirto in dalkani ka mid noqdo dalalka caalamka ee la aqoonsan yahay,
waxa iyana xusid mudan oo aan marnaba la ilaawi karin Shacbiga Somaliland ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska oo intii shirkaasi socday hortubnaa goobtii shirku ka socday, muujiyeyna shucuubta bulsho weynta reer somaliland meel ay joogaanba iyaga oo ka wakiil ahaa guud ahaanba intii ka maqnayd halkaasi, iyo intii ka shaqaysay ee wakhtigooda qaaliga ah geliyey in golahani ictiraafo somaliland.

waxa aad naga sugtaan insha allaa in aanu idin soo gudbin doono saacadaha soo socda Videos iyo Qoraalo faahfaahsan oo la xidhiidha kulankaasi qiimaha badan ee maanta somaliland lagu ictiraafa

Comments

comments

SHARE