France:Duuliyaha diyaaradda dhacday “albaabka shirka ayaa laga xirtay”

Baarayaasha diyaaradda ku dhacday Faransiiska ayaa sheegay inay jiraan astaamo muujinaya in mid ka mid duuliyayaasha laga xirtay shirka hore ee diyaaradda.

Waxaa soo baxayo astaamo muujinaya in mid ka mid ah duuliyayaasha laga xirtay albaabka shirka diyaaradda.

Diyaaradda ayaa labo maalmood ka hor ku burburtay buuraleyda Alps ee dalka Faransiiska.

Dhamaystirka baaritanka waxaa uu qaadan karaa dhowr maalmood.

Balse waxay saraakiishu sheegayaan in albaabka shirka la furay kaddibna la xiray, taas oo ay xigtay in la gargaraacay, oo wax jawaab ahna la maqal.

Comments

comments

SHARE