Yeman: Xuuthiyiinta oo gudaha u galay magaalada Cadan

116

Wararka ka imaanaya magaalada cadan ee dalka Yemen ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Xuutiyiinta Yemen ay maanta gaareen magaalada Cadan ee Koonfurta Yemen.

Madaxweynaha dalka Yemen Cabdirabi Hadi oo ka soo baxsadey mar sii horeysey caasimadda Yemen ee Sanca ayaa soo gabaadsadey Cadan, waxaana uu ku dhawaqey in ay tahay caasimad ku-meelgaar ah.

Wararku waxay sheegayaan in Xuutiyiintu ay galeen xero ciidan oo horey ay ud eganaan jireen Ciidamada Maraykanka halkaas oo ay ka qaadi jireen weerarada ay la beegsan jireen ururka al-Qaacida.

Warbixinada la helaayo ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Hadi iyo qaar kamid ah saraakiishiisi sare ay ka baxsadeen Cadan, halka Wasiirkii gaashaandhigga ay gacanta ku dhigeen malayshiyada Shiicada Xuuthiyiintu.

Telefishanka taageera Xuuthiyiinta Yemen ee Al-Masirah TV ayaa sheegaya in ciiamada Shiicadu ay sugeen amniga saldhigga ciidamada cirka ee al-Annad airbase, oo 60km u jira magaalada Cadan.

Dad indhahooda ku arkey ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegey in Madaxweyne Hadi iyo gawaari badan ay ka baxeen qasriga Madaxtooyada oo ay u dhaqaaneen dhanka xeebta.

Sucuudiga oo ciidamo geeyey xadka

Dhanka kale Boqortooyada Sucuudiga ayaa ciidamo lixaadleh geysey xedka ay la wadaagto Yemen, lama yaqaano in ay doonayaan in ay sugaan xuduudkooda iyo in ay tallaabo ka qaadi doonaan malayshiyada Xuuthiyiinta ee IRAN taageerto.

Comments

comments

SHARE