USA:Baarlamaanka oo ku baaqay in hub la siiyo Ukraine

Aqalka Kongareeska Maraykanka ayaa Salaasadii cod u qaaday mooshin sheegaya in dowlada Maraykanka ay hub ugu deeqdo dowlda Ukraine.

Mooshinkan ayey taageereen xildhibaano isugu jira labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga. Waxaana codkooda ku taageeray 348 xildhibaan, halka 48 ay kasoo horjeesteen.

Baaqa Baarlamaana ayaa ah in xukuumada Obama ay si deg degleh hub ugu deeqdo dalka Ukraine si uu wadankaasi madax banaanidiisa u difaacdo, ayaa lagu yiri mooshinkan la ansixiyey.

Hase yeeshee mooshinkan maaha mid ku khasbaya xukuumada obama inay fuliso.

Barack Obama iyo Xoghayaha Arrimah Dibada John Kerry ayaa horey u sheegay inaysan xiligan dooneyn in hub si toos ah u siiyaan Ukraine.

Xukuumada Obama iyo waliba dalalka Midowga Yurub oo ay xulafada yihiin ayaa doonaya in marka hore fursad lasiiyo heshiis la dhex dhigay Ukraine, Ruushka iyo kooxaha gooni u goosadka ee bishii Feberaayo.

Midowga Yurub ayaa gebi ahaan kasoo horjeeda in wax hub ah la geeyo dalka Ukraine arrintaasi oo ay Yurub u aragto khatar sii fogeyn karta xiisada u dhaxeysa reer Galbeedka iyo Ruushka.

Comments

comments

SHARE