South Sudan:Dowlada Sudaanta Koonfureed oo 3 sano xilka Kororsatay!

Baarlamaanka dalka Sudaanta Koonfureed ayaa xilkii kororsaday muddo 3 sano ah, isla markaana sidoo kale xilka u kordhiyey Xukuumada Madaxweyne Salvar Kiir.

Xil kororsiga dowlada Sudaanta Koonfureed ayaa timid kadib markii bishii lasoo dhaafay la shaaciyey in la joojiyey doorashadii lagu waday inay dhacdo bisha June ee soo socota.

Xildhibaanada xilka ka dhamaanayey ayaa sheegay in muddo kordhintan ay ugu talo galeen in dowlada fursad loosiiyo inay amaanka dalkaasi wax ka qabato.

Xil kordhinta ayaa la sheegay inay ka bilaaban doonto bisha July.

Balse mucaaridka dalka Sudaanta Koonfureed ayaa ku tilmaamay xil kordhintan mid sharci daro ah oo uu xilka kusii dheeraysanayo Madaxweynaha xilka haya ee Salvar Kiir iyo kooxdiisa.

Dalka Sudaanta Koonfureed ayaa dhamaadkii sanadkii 2013 waxaa ka bilowday dagaalo sokeeye kadib markii ay isku dhaceen Madaxweynaha iyo Jamhad uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalkaasi Reikh Machar.

Dagaalka ayaa ah mid salka ku haya loolanka u dhaxeeya qabiilka Madaxweyne Salvar Kiir oo kasoo jeeda beesha (Dinka), kuxigeenkiisii hore Reik Machar ayaa u dhashay beesha (Nuer).

Dalka Sudaanta Koonfureed oo ictiraafka caalamka ka helay 2011, ayaa waxaa hada dagaalada ka socda ku baro kacay dad ka badan 1 milyan oo qof, iyadoo ay kumanaan ku dhinteen.

Dadaal loogu jiray in lagu heshiisiiyo dhinacyada dagaalamaya ayaa marar badan fashilay.

Comments

comments

SHARE