Somaliland:Madaxwayne Siilaanyo Oo TACSI U Diray Taliyihii Hore Ee Ciidamadda Booliska

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Booliska,  oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid ALLE ha u naxariistee taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Marxuum   Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta 25/03/2015 ku geeriyooday Dalka Talyaaniga.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.

Marxuumka oo markii u danbaysay ahaa Suldaan ka mida sulaadiinta Somaliland waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay rukun ka mida rukumada qarankani ku istaagay ee uu ku meel maray wakhti badana u huray dalkiisa iyo dadkiisaba, kana soo shaqeeyey talaabo kasta oo qarankani ku talaabsaday kuna taagan yahay.

waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)     Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments

comments

SHARE