Somaliland: 31 Tan Iskaraab Ah Oo Laga Rartey Warshadda Sibidhka oo la qabtay

115

Badhasaab ku xigeenka gobolka Saaxil, Xaamud Cabdillaahi Xuseen iyo Taliyaha qaybta booliska ee gobolkaasi, Cabdi Cali ayaa ka hadlay boob lagu hayo Iskaraabka warshadda sibidhka ee Magaalada Berbera.

Badhasaab ku xigeenka iyo Taliyaha qaybta booliska ayaa sheegay inay doraad hal qof u xidheen boobka lagu hayo Iskaraabka warshadda Sibidhka, laakiin booliska ayaa ka cawday Badhasaabka gobolkaasi, Fahmi Cabdi Bidaar oo ay sheegeen inuu amray in Iskaraab la goo’gooyey oo dhex daadsan gudaha Warshadda loo siidaayo nin Magaciisa lagu sheegay Cabdi Casse.

Iskaraabka Warshadda Sibidhka laga bililiqeystay oo meelaha laga guranayo ay ka mid yihiin qaybtii Tamaashiirta, ayaa waxa hore u xayiray Badhasaab ku xigeenka gobolkaasi isla-markaana mabnuucay in gudaheeda la galo, ayaa haddana wariyayaasha oo soo xiganaya waashmaanka Warshaddu sheegeen in toddobaadkan laga raray hal gaadhi oo 31 tan oo Iskaraab ah.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Saaxil oo shalay saxaafadda kula hadlay Magaalada Berbera ayaa sheegay in warshadda laga gurtay Iskaraab, haddana ay doraad uun gaadhi kale oo ku jira la kulmeen “Way jirtay mar la gurtay (Qalabka Warshadda Sibidhka) oo aanu Xayirnay, maaha dadkii dawladdu siisay Iskaraabka, laakiin waa dad cusub oo tuugo ah, saakana (Doraad) waxaan la kulmay dad iyo gaadhi cusub oo ku jira warshadda Sibidhka, gaadhigii booliska ayaan u dhiibay, ninkii watey gaadhiga oo ahaa ninka iibsaday biraha oo aanu ku daba jirnayna waanu xidhnay….” Ayuu yidhi, Badhasaab ku xigeenku.

Taliyaha Qaybta booliska ee gobolka Saaxil, Cabdi Cali ayaa isaguna sheegay “Aniga iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Saaxil, ayaa tagnay warshadda Sibidhka, waxaanu ku soo aragnay Iskaraab goo’go’an, waxaanuna isla garanay inay tahay xad-gudub, dabadeedna waanu joojinay si loo hubiyo cidda ka masuulka ah arrintaasi. Laakiin Guddoomiyaha Gobolka ayaa xalay (habeen hore) ii soo gudbiyey warqad uu ku leeyahay Iskaraabka halkaa daadsan ha loo siidaayo nin la yidhaahdo Cabdi Casse…”ayuu yidhi.

Comments

comments

SHARE