Somalia:Al-shabaab oo Afduubtay Gudoomiyihii hore ee Degmada Ceelbuur

101

Ururka Al-shabaab ayaa maalin ka hor waxay magaalada Ceel buur ee gobolka Galgaduud ka afduubteen Gudoomiyihii hore ee degmada Ceel Buur Maxamuud Xasan Afrax .

Afduubka gudoomiyihii hore eeCeelbuur waxaa warbaahinta u xaqiijiyey gudoomiyaha degmada Ceel Buur Xasan Guutaale isagoo xusay in xili habeenimo ah ay koox ka tirsan Al-shabaab ka wateen gurigiisa.

Gudoomiyahu wuxuu sheegay in odayaasha gobolka iyo Degmada Ceelbuur ay fariin u direen kooxda afduubatay Maxamuud Xasan Afrax gudoomiyahii hore maadaama uu in badan ka maqan yahay siyaasada dalka ayna siidaayaan.

Gudoomiyahan la Afduubtay ayaa degmada Ceel Buur xilka ka soo qabtay wakhtigii dowladihii KMG ee Cabdulaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif, Wuxuuna ku dhex noolaa xiliyo kala duwan oo Al-shabaab gacanta ugu jirtay Degmada.

Comments

comments

SHARE