Boko Xaram oo markale afduubay 500 haween ah!

117

Kooxda xagjirka ah ee Boko Xaram ayaa lagu soo waramayaa inay markale 500 haween ah ka afduubeen waqooyiga dalka Nayjeeriya (Nigeria).

Arritan ayaa soo shaac baxday kadib markii ciidamada ka socda dalka Jaad (Chad) ay xoreeyeen magaalada Damasak oo ku taal waqooyi bari dalka Nigeria.

Magaaladaasi oo ay horey u heysteen kooxda Boko Xaram ayey sidoo kale ku dileen dad ka badan 100 qof oo si waxashnimo ah loo dilay, kadibna laga tuuray buundooyinka deegaankaasi mara.

Balse waxaa hada soo shaac baxday in kooxda Boko Xaram intii aysan magaaladaasi ka bixin ay horey usoo afduubteen 500 oo kamid ah haweenkii magaaladaasi ku noolaa.

Comments

comments

SHARE