Mareykanka oo xaqiijiyay dilka Aadan Garaar

179

Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, ayaa sheegtay in weerar ay u adeegsatay diyaarad drone ah, ay ku dishay sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Sarkaalka ayaa lagu magacaabaa Aadan Garaar.

Weerarkaasi ayaa Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay meel u dhow degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Aadan Garaar ayaa loo haystaa in uu yahay ninkii qorsheeyay weerarkii ay Shabaab ku qaaday suuqa laga dukaameysto ee Westgate ee Nairobi.

Mareykanka ayaa sheegay in uu qiimeynayay weerarka uu ku bartilmaameedsaday Aadan Garaar, ka hor inta aanu shaacin dilka ninkaasi.

Diyaaradaha drones-ka ee Mareykanka ayaa Al-shabaab ka laayay dhowr ah saraakiishooda sar sare, oo uu ka mid yahay hoggaamiyahoodii hore Axmed Cabdi Godane.

Comments

comments

SHARE