“Mawqifka Xisbiga WADANI Marka La Gaadho 26-June Wuxuu La Midyahay Kii Ay Isbahaysiga Mucaaridku Hore U Soo Sareen Ee Aha In La Kala Diro Golayaasha”. Guddoomiye Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay in Xisbiga uu hoggaamiyo ee WADANI mawqif ahaan raacsanyahay baaqi Xisbiyada Mucaaridka iyo odayaasha Madasha wada-tashigu hore uga soo sareen marka la gaadho 26-June. Guddoomiye Cirro oo hadalkan ka jeediyay munaasibad ay qabsadeen Garabka dhalinyaradda ee Xisbigaasi, wuxuu hadalkiisu u dhignaa maruu arrintaas ka hadlaayay.

– Jadwalkii Uu Soo Saaray Komishanka Doorashooyinka Q aranka Waxa Uu Ahaa Kii Loo Baahnaa Oo Yimi Waqtigii Loo Baahnaa. Komishanku Wuu Dadaalay Marka La Eego Cimrigiisa. Waxay Maanta U Baxeen Soo Dhisidda Komishanka Gobolada Iyo Degmooyinka. Waxaan Ilaahay Uga Baryeynaa Inuu Hawshaas U Fududeeyo. Waxaan Ka Rajeynaynaa Inay

Soo Dhisaan Siidhi Walaayaal Tartamayaasha Si Caddaalad Ah Ugu Garsooora.

– Komishanka Doorashooyinka Qaranku Maaha Komishanka Diiwaagelinta Qaranka. Waxaan Ka Sugaynay Inay Cayimaan Maalinta Doorashada. Maalintaas Cayimaadeeda Waxaan Uga Sugaynaa Sida Ugu Dhakhsaha Badan. Waanu Adagnahay, Waanu Ku Adagnahay , Waanu Ku Adagnahay In Komishanku Maalintaas Cayimo.

Shacbiga Somaliland Iyo Bulshada Caalamka Oo Saaxiibka La Ah Shacbiga Somaliland Ee Inaga Taageerada Gedi Socod Dimquraadiyada Dhawaaqaas Way Sugaayaan, Si Weyn Bay U Sugayaan. Cayimidda Maalintaas Waa Waajib Sharciya Oo Saaran Komishanka.

 

– Komishanku Waa Inuu Soo Saaraa Jadwal Dhamaystiran Oo Doorasho

Una Gudbiyaa Madaxweynaha JSL.

– Madaxweynuhu Wuu Inuu Jawalkaas Ku Soo Saara Dikreeto Madaxweyne Mudada Sharcigu Siiyey Inuu Ku Soo Saaro Oo Aan Ka Badnayn 15 Maalmood.

 

– Mowqifka Xisbiga WADDANI Waxa Uu La Mid Yahay Mowqifka

ISBAYHAYSIGA MUCAARIDKA Oo Ah Haddii Doorooshinykii Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada JSL Ku Qabsoomi Waayaan Waqtigooda, In Sida Ugu Dhakhsaha Badan La Isugu Yimaado Talo Qaran.

Comments

comments

SHARE