Britain ayaa Harriet Mathews u magacaabtey safiirka cusub ee Somalia & Somaliland

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Midowdey (United Kingdom) ayaa lagu sheegey Boqoraddu ay shaqada Safiirka Soomaaliya u magacaabtey Ms Harriet Mathews, waxaana ay beddeleysaa Neil Wigan oo hadda ah Safiirka UK ee Soomaaliya, oo xilka loo magacaabey Bishii Juun 2013

Sida lagu sheegey war-saxaafadeedka Ms Harriet Mathews ayaa xilka la wareegeysa dhamaadka bisha Juun 2015.

Ms Harriet Mathews ayaa tan iyo sanadkii 1997 ka tirsaneyd Arimaha Dibadda ee UK, shaqooyinkii u danbeeyey ee qabato ayaa ahaa la dagaalanka cudurka EBOLA ee ka dilaacay Galbeedka Afrika, waxaa laagu tilmaamey in ay tahay khabiir muddo arrimaha Afrika ka shaqeyneysey.

Comments

comments

SHARE