81 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay Nigeria

161

Ugu yaraan 81 qof ayaa lagu dilay weerar Axadii shalay ka dhacay deegaanka Egba ee bartamaha dalka Nigeria.

Weerarkan ayaa la sheegay inay geysteen dabley aan la aqoon kuwaasi oo rasaas ooda uga qaaday dad shacab ah oo ku dhaqnaa deegaankaasi. Illaa iyo hada cidna looma soo qaban weerarkan.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ahaa haween iyo caruur, waxaana la sheegay in horey deegaankaasi ay uga jirtay xiisad u dhaxeysa dadka xoola-dhaqata ah iyo kuwa beeraleyda ah.

Labadaasi kooxood ayaa muddo dheer isku heysta dhulka, waxaana weerar sanadkii hore ka dhacay isla deegaankaasi ku dhintay boqolaal qof.

Dowlada Nigeria ayaa dhinaca kale weli la talaaceysa la dagaalanka Kooxda Boko xaram oo xooga ku leh waqooyiga dalka Nigeria, waxayna dowladu hada taageero weydiisatay dalalka la jaarka ah.

Comments

comments

SHARE