Xukuumadda Somaliland Oo $ 3 Milyan Ku Wareejisay Komiishanka Dorashoyinka Qaranka + DAAWO

168

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay komiishanka doorashooyinka ku wareejisay Malaayiin dollar oo loogu talo-galay in lagu qabto diwaangelinta cod-bixiyayaasha, lacagtaasi oo ah qadarka dawlad ahaan kaga soo beegmay, maadaama oo beesha caalamku taageerayso.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland, Cali Maxamed Waran Cadde oo ka hadlayey Munaasibad uu xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay taageerayaashii Hargeysa, ayaa sheegay in xukuumaddu diyaar u tahay qabsoomidda doorashada isla-markaana wixii dhaqaale kaga aadanaa ay ku wareejisay Komiishanka.

Wasiirka oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dawladdu way diyaarisay dhaqaalihii kaga aadanaa qabashada doorashooyinka, maalin saddexaaddiina waxay dawladdu u gudbisay Komishanka $ 3 Milyan oo dollar oo loogu talo-galay in lagu qabto diwaangelinta cod-bixiyayaasha”

 

Comments

comments

SHARE