Wasiirka Golayaasha Somaliland oo La Kulmay Xildhibaano Baarlamaanka UK ka Tirsan

261

Wasiirka Xidhiiidhka Golayaasha Qaranka Ee Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil oo Maalmaahanba ku sugnaa Dalkan UK ayaa Kulan aad u Muhiim ah la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Baarlamaanka UK oo uu ka mid yahay Rug-cadaaga Weyn ee Sir Tony Baldry iyaga oo si qoto dheer uga wada hadlay Cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland Iyo UK.

Waxaana Wasiirku uu Warbixin Balaadhan ka siiyay Xaalada guud ee uu Dalka Hooyo ku sugan yahay iyo Nidaamka Dawladnimo iyo Horumarka ka socda Somaliland. Wasiirka oo ay Wehelinayeen Safiir ku Xigeenka Safaarada Somaliland ee Dalkan UK Danjire Daahir Tukaale iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Dalkan UK Mudane Xariir Xirsi ayaa waxa uu ahaa Kulan aad u Muhiim ah oo ay labada dhinac is dhaafsadeen warbixino kala duwan, waxaana Wasiir Cali Xaamud Jibriil uu Gebogabadii Kulankaas uu Xubnaha Barlamanka UK Gaar ahaan Sir Tony Baldry uu ka codsaday inuu Dalka Somaliland Booqasho ku yimaado, taasoo Xildhibaan Sir Tony Baldry uu aad u soo dhaweeyay.

Waxaan u Mahadnaqayaa Safiir ku Xigeenka Somaliland ee UK Danjire Daahir Tukaale iyo Mudane Xariir Xirsi oo hawshan aad uga Soo shaqeeyay.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Comments

comments

SHARE