Tanzania oo xir xirtay Boqolaal Sixiroolayaal ah!

162

Madaxweynaha dalka Tanzania Jakaya Kikwete ayaa amar ku bixiyey in tilaabo laga qaado Sixiroolayaasha ku sugan dalka Tanzania.

Booliiska Tanzania ayaa maalmihii lasoo dhaafay Xabsiga dhigay Sixiroolayaal gaaraya 225.

Amarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii ay dalka Tanzania kusii bateen weerarada lala beegsanayo dadka qaba cudurka (Albino), iyadoo la sheegay in sixiroolayaasha u adeegsadaan xubnaha dadkaasi falalkooda sixirka iyo waxay ku sheegaan daawooyin.

Boqolaal sixiroolayaal ah oo la qabtay ayaa guryahooda laga soo helay waxyaabo kala duwan oo ay kamid ahaayeen;

Saynta-danyeerka, Ukumaha Goronyada, xubnaha doofaarka, Haraga Libaaxa iyo waxyaabo kale oo ay ka sameyn jireen waxay ugu yeeraan daawooyin ay dadka ka iibiyaan.

Balse sixiroolayaasha ayaa sidoo kale bilaabay inay iibiyaan daawooyin laga sameeyey xubnaha jirka dad qaba cudurka Albino, kuwaasi oo la sheegay in la dilay.

albino-tanzania1

“…Arrintan waa mid baalka madow ka gashay taariikhda dalka Tanzania…”ayuu yiri Madaxweyne Kikwete oo amray in tilaabo adag laga qaado dadka ka shaqeysta sixirka.

Comments

comments

SHARE