Madaxweyne Xasan Shiikh oo dalka Masar kaga qaybgalaya shir looga hadlaayo dhaqaalaha dalkaas

148

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaarey magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir madaxeed looga hadli doono horumarinta dhaqaalaha Masar.

Shir madaxeedkan ayaa la filaya inay ka soo qeybgalaan madaxda waddamada dunida qaarkood, shirkadaha caalamiga ee ganacsiga iyo maalgashiga, ururro caalami ah iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inta uu joogo Masar inuu kulamo la qaato madaxda dalalka ka qeybgalaya shirkan, madaxda shirkadaha ganacsiga iyo mas’uuliyiin kale oo daneynaya inay Soomaaliya maalgashi ku sameeyaan.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin wasiiro, mas’uuliyiin kale iyo ganacsato, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Sharm El-Sheikh si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Masar Mudane Ibrahim Mehleb, saraakiil sare iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira.

???????????????????????????????

Shirkan ayaa Masar dooneysaa in ay mar labaad indhaha caalamka ku soo jeediso dalkeeda si loo maalgashyo isla markaana dib loogu nooleeyo suuqa dalxiiska.

Dalka Masar ayaa shantii sano ee ud anbeysey la liicayey dhaqaale xumo, Masar waxaa dhaqaale badan ka soo geli jirey dalxiisayaasha u tamashlaha taga dalkaas oo leh goobo loo daawasho tago, waxaana hoos u dhac weyn ku yimid suuqa dalxiiska oo la dhihi karo gebi ahaanba waa bur-burey, kadib kacdoonkii xukunka looga tuurey Madaxweynihii dalkaas sanadkii 2011, iyo Inqilaabkii ka danbeeyey ee lagu sameeyey Madaxweynihii u horeeyey ee shacabku soo doorto Mursi, kaas oo xabsiga ku jira weli.

Comments

comments

SHARE