Khumeynii: Nidaamkii Dowlada Maraykana waa isku dhex-yaacay!

139

Hogaamiyaha sare ee dowlada Iran Ayotullahi Cali Khumeynii ayaa khamiistii shalay ka jawaabay waraaq furan oo ay usoo direen Xildhibaanada Xisbiga Jamhuuriga ee Mucaaridka Maraykanka.

Khumeynii oo khudbad jeedinayey ayaa soo hadal qaaday waraaqda ka timid xildhibaano 47 gaaraya oo Maraykan ah, kuwaasi oo ku hanjabay in ay burburin doonaan heshiis walba oo dhexmara Xukuumada Obama iyo dowlada Iran.

“…Sida caadiga ah Dowladaha waa in ay kasoo baxaan heshiisyada ay galaan, balse maanta Maraykanka waxaa muuqata in Xildhibaanadii ay si cad u sheegayaan inay jabinayaan heshiisyada ay galaan, Tani soomaha cadeyntii ugu danbeysay in nidaamkii iyo dowladnimadii Maraykanka ay isku dhex-yaacday?….” ayuu yiri hogaamiyaha ugu sareeya dowlada Iran.

Comments

comments

SHARE