Weerar lagu fashiliyey Muqdisho oo dhaawac sababay

131
Sawir hore: Hotel maka almukaramah oo gaari bom ku xiran yahay lagu weeraray sanadkii 2013
Sawir hore: Hotel maka almukaramah oo gaari bom ku xiran yahay lagu weeraray sanadkii 2013
Sawir hore: Hotel maka almukaramah oo gaari bom ku xiran yahay lagu weeraray sanadkii 2013

Fiidnimadii Arbacada ayaa laba niman  wata gaari hor yimaadeen Hotel Maka al-mukaramah, ee isla Waddada Hoteelka loogu magacdarey, waxaana ay Bom gacmeed ku tuureen Ilaaladii Hotelka iyaga oo ku talo galay in ay kala cayriyaan, si ay u fuliyaan weerarkooda laakiin ilaalada ayaa la dagaalantey,  gaariga ay wateen waxaa ku xirnaa Bom waxaana uu ku qarxey meel aan ka fogeyn Hotelka, Sdaas waxaa BBC-da u sheegay mulkiilaha Hotel Makka al-Mukarramah

Warar madaxa banaan waxay sheegayaan in dadka ku dhaawacmey ay gaarayaan shan qof.

Afhayeenka Booliska Gobolka Banaadir Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ay qabteen mid kamid ah kuwii gaariga watey, waxaana sidoo kale uu sheegay in ay qabteen labo nin oo kale oo donaayey in ay furtaan ooo badbaadiyaan ninkaas. Afhayeenka ayaa sheegay in ay gaariga daba joogeen, markii la hareereeyeyna uu ka degey ninkii wadey oo qarxiyey, waxaa ku dhaawacmey saddex qof, gawaari goobta la dhigtey, dhibaato ayaa soo gaartey ayuu yiri – hoos ka dhegayso codkiisa:

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka hadley weerarka fashilmey ayaa ciidanka ku amaaney sida geesinimada leh ee ay u soo qabteen al-Shabaabkii weerarka soo qaadey oo gaarayey 4 nin sida Wasiirku sheegay

Weerarkan ayaa lagu tilmaamey mid dhicisoobey oo laga hortagey, Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa ku tilmaamey ciidanka Dowladda kuwo geesiyaal ah oo ku khasbey ninkii weerarka soo qaadey in uu naftiisa keliya qarxiyo.

Weerarka fashilmey ayaa imaanaya iyada oo 48 saacadood ee u danbeeysey si weyn loo adkeeyey amaanka Muqdisho baaritaano xoog badana ay ka socdeen jidadka magaalada.

Ma han markii u horeysey ee Hotel Makka al-mukarramah weerar gaari loo adeegsadey lagu qaadey, sanadkii 2013 ayey ahayd markii 6 qof ku dhimatey in ka badan 10 kalena ku dhaawacmeen weerar al-Shabaab sheegteen

Comments

comments

SHARE