Madaxweynaha Puntland oo Garowe ku qaabiley Ergayga Qaramada Midobey Nick Kay

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Arbaca ah Aqalka Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Saomaaliya Danjire Nicholos Kay iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa kullan gaar ah la qaatay Danjire Nicholos Kay waxaana ay kawada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland, la dagaalanka Ururka xagjirka ah ee Al-shabaab, hiigsiga 2016, iyo hindisaha cusub ee New Deal.

Kullanka ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta qaybaheeda kala duwan shir jaraa’id u qabtay MadaxweynahaDowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay, waxana ay ka warbixiyeen kullankoodi waxa ka soo baxay.

“Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta aanu halkaan ku soo dhaweyno Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobet ee Soomaaliya oo maanta nagu soo booqday Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland, imaanshihiisana waan ku faraxsanahay waana markii todobaad oo uu noo yimaado” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

“Runtii wada hadalakayagii waxaa uu ahaa mid sifiican u soo dhammaaday, waxaan rajaynaynaa inaanu wada shaqayn dhow yeelano si aan u sii amba qaadno geedi socodka nabada Soomaaliya Insha’allah” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

This slideshow requires JavaScript.

Danjire Nicholos Key ayaa isna dhankiisa Madaxeynaha uga mahadceliyey soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaana uu ku amaanay dadaalka horumarineed ee uu madaxweyne Gaas kawada gudaha Puntland iyo guulaha waaweyn ee uu gaaray mudadii yarayd ee uu hogaanka hayey.

Dhinaca kale Danjire Nocholos Key ayaa Madaxweynaha ku amaanay Guusha ay Puntland ka gaartay dagaaladii Galgala isagoona ciidanka Puntland ugu hambalyeeyey dhabarjabka xooga leh ee ay u gaysteen koox diimeedka Ururka Al-shabaab.

Sidookalana Madaxweyne Gaas ayuu ku amaanay talaabada wanaagsan ee uu dhinaca dimuqraadiyada uu horay u qaaday iyada oo xili dhow gudiga doorashooyinka Puntland lagu dhawaaqi doono, islamarkaana waxaa uu sheegay in UN-ka, EU iyo Hay’addaha kale ee caalamka ee daneeya dhanka dimuqraadiyada ay ka caawin doonaan Puntland taabagelinta dimuqraadiyada xili dhow oo ku siman bisha afaraad ilaa bisha shanaad.

Nick ayaa horey u soo booqdey maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba, waxaana ay ka wada hadleen barnaamijyada hormarinta iyo Hiigsiga 2016.

Comments

comments

SHARE