Falaagada Ukraine oo taageero ka helaya Ruushka

Xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ayaa sheegaya in Ruushka ay qalab iyo tabarbar siinayaan falaagada bariga Ukaraine kaddib heshiiska xabadjoojinta ee la gaaray bishii la soo dhaafay.

Isagoo ka hadlayay xarunta NATO ee Belguim, ayuu Mr. Stoltenberg ugu baaqay Ruushka inay la baxaan ciidamadooda oo aan lays hortaagin baarayaasha si heshiiska uu u hirgalo.

Wuxuuna ku tilmaamay tallaabooyinka Ruushka kuwa gardarro ah, isagoo sheegay in Ruushka uu jabinayo qeynuunka caalamiga iyagoo baabi’inaya heshiiskii la gaaray markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa.

NATO ayaa sheegeysa in qaar ka mid ah hubka falaagada laga qaaday safka hore, lamana oga halka la geeyay.

Comments

comments

SHARE