Al Shabaab oo la wareegay muddo kooban degmada Wanlaweyn

121
Somalia:Al Shabaab seizes town from Somali government
Somalia:Al Shabaab seizes town from Somali government

Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa habeenimadii xalay weerar balaaran ku qaaday degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeelada Hoose.

Weerarkan ayey Al Shabaab muddo kooban kula wareegeen gacan ku heynta magaaladaasi.

Kooxda Al Shabaab ayaa magaalada ka geystay bililiqo sida uu sheegay maamulka degmada, waxaana sidoo kale lagu dilay magaalada qaar kamid ah Askartii Booliiska ee saldhiga degmadaasi joogay.

Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa la sheegay inay goor danbe saqdii dhexe halkaasi isaga baxeen.

Weerarka Al Shabaab ayaa lagu soo beegay maalin kadib markii gobalka Shabeelada Hoose ay ka dhaceen duqeymo ay sameeyeen diyaaradaha Drone-ka Maraykanka oo la sheegay inay burburiyeen goob lagu tuhunsanaa inay ku jiraan dagaalyahanada ajaanibta ah ee kamid ah kooxda Al Shabaab.

Comments

comments

SHARE