Xaaladda qaxootiga Falastiiniyiinta Suuriya oo laga dayriyay

144

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga falastiiniyiinta ayaa cambaareeyey xaaladaha ka jira xerada Yarmuk oo ku taalla duleedka magaalada dimishiq.

Pierre Krähenbüh ayaa sheegay in ugu yaraan 18,000 oo qof ay halkaas dhibaato ku haysato.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi aanay haysan koronto, iyo cunno iyo daawo ku filan.

Qaxootiga waxay dhexda u galeen dagaal u dhaxeeya ciidanka dawladda iyo kooxo mucaarad ah.

Ciidammada dowladda madaxweyna Bashar Al-Asad ayaa hareereeyay xeradaasi, iyagoo gudaheeda kula dagaallamayay kooxaha hubaysan ee mucaaradka.

Comments

comments

SHARE