“Waxaad Arkaysan Ragga Ku Dhaaranaya Haddii 26-June La Gaadho In Aanay Dawladi Jirayn Hadalkaasina Meel Uu Sharciga Dalka Kaga Yala Ma Jiro”. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Mud. Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay xubno isku dhaf ahaa oo isugu jiray Xisbiyada Qaranka iyo o dayaasha la magacbaxay Ma dasha wada-tashiga, Afhayeenka oo manta u waramaayay Saxaafadda ayaa sheegay in aanay cidina ku kici Karin wax ka hor imanaaya Dastuurka dalka u yaala. Isagoo arrimahaas ka hadlaaya Mud. Dhuxul wuxuu yidhi.

“Waxaad arkayseen qolyo Mucaaridka ah ayaa intay isu yimaadeen waxay ku dhaaranayeen 26-June wixii ka danbeeya ina anay dawladi jirin,Sharciga waxaas ay ku hadlayaan Meel uu kaga yaalo Mahayno, Doorasho Markasta way dhacaysaa oo waa ina Daan-wayne in ay Dhacdo oo wakhtigeeda ayay dhacaysaa,Marka uu qaranku u garto ayay dhacaysaa Doorashadu Cid Diinani Majirto,dalkuna inuu dorasho wax ku noqonayo cid waliba way ogtahay.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wixii qaran kani qabtay waanu soo bandhigaynaa,Talaabooyinka uu qarankani qaaday ayaanu shacabka u bandhigaynaa hala imanina wax kale oo taas ka duwan ee wixii aad umada u haysaan u soo bandhiga.

Axmed Saleebaan Dhuxul wuxuu sheegay in Mucaaridka looga bahanyahay inay shacabka u soo bandhigaan waxay qaban doonaan, isagoo ku waaniyay inay u meel dayaan hadalada qadafka ah ee aan ummadda qaban, isagoo markale umurtaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.

“Hadalka Ka soo baxaya nimankani waa hadal aan tudhaale lahayn waa hadal aan loo meel dayin,hadal aan lagu qiimayn runtii marxalada uu dalka uu marayo,Maalintii ay baaqa soo saareen runtii waxa ay ahayd  maalintii ay  dalka turkiga ka yimadeen wasiiradu ka qayb galay wada hadalku, maalintaas oo kalaa xisbi mucaarad ah iyo mid Muxaafidba in lamidays-naado ayaa waajib ah,may ahayn in halkan lagu mudo oo dhibaato loogu gaysto shacabka Somaliland.”.

Comments

comments

SHARE