Horumarka Ballaadhan Ee Ku Yimid Madaarka Caalamiga Ah Ee Hargeysa

Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, oo ah Madaarka Caasimadda Hargeysa oo maanta is badal baaxad weyn xukuumadda talada Haysaa ku samaysay waxa uu soo maray marxalado kala duwan tan iyo maalintii la aasaasay, ku sinnaan sannadkii 1957-kii, wakhtigaasi oo ay dalka fadhiday Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriisku iyada oo wakhtigaa Madaarka Hargeysa ahaa ama loogu tala galay Madaar yar oo ay fadhiistaan diyaaradaha boqortooyadu isticmaalaysay oo ahaa nooca yaryar ee fokorta loo yaqaano tan iyo maalintaasina aan haab yaraatee wax is badal ah lagu samayn illaa ay timid ama talada dalka qabatay xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo sannadkii 2010.

Madaarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo loogu magac daray Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu soo maray marxalado kala duwan oo mid kastaa waayaheeda lahayd. Mudadii xukunkii Maxamed Siyaad Barre talada dalka Haysay, haba yaraatee wax ballaadhin iyo dhisme ah kuma ay darin Madaarkan marka laga tago sannadkii 1980-kii oo qaddar xaal xaal ah ay ka samaysay gaar ahaan dhinaca Run-wayga oo wakhtigaasi dhisme kooban lagu sameeyey. Madaarku mudadii Kacaanka waxa uu ahaa mid la odhan karo waxa uu ahaa madaar yar iyada oo ay isticmaali jireen diyaarado yaryar oo rakaab oo Maxali ah (Local Flights) halka uu sidoo kale ahaa mid Milatari maadaama ay isticmaali jireen diyaardaha yaryar ee dagaalka ee xukuumaddaasi Afweyne dalkan Somaliland ku duqaynaysay isaga oo Madaarka Hargeysi wakhtigaa noqday madaarkii taariikhda ugu horreeyey ee Diyaarad Milatari inta ay ka soo kacday duqaysay isla magaaladii uu madaarkani ku yaallay, sannadihii uu dalka ka socday dagaalkii dib u xorayntu.

Intii u dhaxaysay sannadihii 1988-kii Illaa 1991 oo uu dalka ka socday dagaalkii dib u xorayntu waxa Madaarka Hargeysa soo gaadhay burbur laxaad leh, gaar ahaan dhinacyada Run-wayga, xafiisyada iyo Terminalka kali ah ee uu lahaa Madaarku oo marka horeba ahaa kuwo aad u liita. Wixii intaasi ka dambeeyey xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo maray tan iyo xukuumaddii Cabdiraxmaan Axmed Cali illaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Madaarka Hargeysi marnaba ma helin dayac tir naf leh ama dhisme cusub oo ku soo biira, waxaanu heerkiisu ahaa (Category) mid aad u liita hay’adda duulimaadyada adduunka ee Caalamiga ahna ugu qiimaysan Category 2 (Domestic Airport) oo ah darajo aad u hoosaysa halka uu maanta Madaarkani Hay’adaha duuliyaadyada adduunka ugu qiimaysan yahay Darajada Nambar 9 (Category 9) walina uu ku jiro jid horumar isaga oo hiigsanaya Darajada sare ee Category 10 oo ah istaandarada ugu sarreeya Madaarada caalamka sida aanu ka soo xiganay qoraal dahwaan lagu baahiyey mareegta qiimaysa waxna ka qorta arrimaha duulimaadka iyo madaarrada.

Min Wakhtigii aasaaskiisa illaa laga soo gaadhayay xukuumaddii Daahir Rayaale ee ka horraysay xukuumadda talada dalka Haysa dhabbada diyaaraduhu caga dhigtaan ama ka haadaan ee Run-wayga loo yaqaanaa waxa dhererkiisu ahaa 2.4 km halka uu manta ka yahay 3.7 oo ah istaandarka Caalamiga ah ee looga baahan yahay garoomada waaweyn, waxaana Run-waygaasi oo kharash badani ku baxay, si weyn oo heer caalami ah loo dhisay ku guulaystay Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo xilka Wasaaradda Duulista qabtay intii ay jirtay xukuumadda maanta talada haysaa.

Wixii hadaba mudadaasi ka dambeeyey 2010-kii, oo ah intii ay xukuumaddani xukunka dalka haysay waxa gabi ahaanba dhalan-rogmay qaab-dhismeedkii Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport oo is badal weyni ku yimid Dhinacyada Dhismayaasha, Xafiisyada, Terminaalada, Agabka loo isticmaalo Madaarka, Shaqaalaha Ka Hawl gala, Bilicda guud ee uu ku fadhiyo Madaarku iyo guud ahaan adeegga Madaarka iyo waliba is badalka ku yimid duuliyaadyada diyaaradaha isticmaala, rakaabka ka soo dega ama ka dhoofa, xayndaabka, Madaarka iyo xaaladdisa Amni.

Qormooyin dhawr ah ayaan ku soo qaadan doonaa dhammaan arrimahaasi iyo kuwo kale oo ah is badalka ku yimid Madaarka Hargeysa oo ah guul qarankan u soo hoyatay ahna xaqiiqo u baahan in intii ka hawl gashay loogu mahad naqo shacabkana loogu baaqo in ay ilaashadaan hantidaasi.

..La Soco

Comments

comments

SHARE