Dawladda Iran oo lagu cambaareeyay “dhiirrigelinta” dhalmada

150307151534_iran_fans_women_afc_asian_cup2_512x288_getty_nocredit

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa cambaareysay isku day ay Iran ku dhiirrigalinayso in dumarku ay carruur badan dhalaan.

Xeer la soo jeediyey ayaa qayrul sharci ka dhigaya in la faafiyo wacyigelinta la xiriirta xakamaynta dhalmada.

Waxaa kale oo hindise sharcigaasi mamnuucayaa in dumarku isku sameeyaan qalliin dhalmada looga joojinayo.

Waxaa dalkaasi ka jiro sharci kale oo dumarka ku adkaynaya inay shaqo helaan haddii aysan carruur lahayn, wuxuuna adkaynayaa furriinka.

Hay’adda Amnesty ayaa sheegtay in arrintaasi ay xadgudub ku tahay xuquuqda dumarka.

Siyaasadda Iran ayaa horey ku salaysnayd in la yareeyo dhalmada, balse haatan isbaddel ayaa ku yimid, oo waxay mas’uuliyiintu walwal ku dhaliyay dhalmadii oo yaraatay.

Comments

comments

SHARE